25.4 C
Mogadishu
Tuesday, July 1, 2025

Michael Keating oo waqti u qabtay 4.5ka Somalia

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online ) – Wakiilka Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Somalia Michael Keating oo go’aan cad ka qaatay muranka ka taagan qaadashada Nidaamka 4.5, ayaa sheegay in dhankooda ay ka qabaleen nidaamkaasi.

Keating waxa uu sheegay in kulamo guud iyo mid gaar ahba ay la qaaten Hogaamiyayaasha Somalia, balse ay usoo baxday in aqlabiyadu tahay in Somalia aysan ka maarmin in si KMG ah awood qeybsiga beeluhu ahaado 4.5.

Keating waxa uu sheegay in go’aanka Beesha Caalamka uu yahay in Somalia looga shaqeeyo wixii ay u arkaan in munaasab u tahay Umadda Soomaaliyeed, balse iyaga oo dhinacyo badan ka eegaaya is jiid-jiidka Siyaasadeed ay gogol wadatashi u dhigeen Hogaamiyayaasha kaasi oo rajadu aheyd in hal mowqif la qaato si doorashadu u noqoto mid aan gacmo badan hayeeshee taasi ay maamulada qaar qaadaceen.

Michael Keating waxa uu carabka ku adkeeyay in Caalamka uu culeys xoogan ku hayo Xafiisyada ay ku leeyihiin Somalia, si mar un ay xal waara uga dhex dhaliyaan Siyaasiyiinta Soomaalida, balse iminka ay u muuqan doonto iyada oo laga duulaayo cadaadinta in Beesha Caalamka ay garab istaagto Dowlada Somalia si awooda ugu badan ay u yeelato.

Michael Keating waxa uu mar kale ku celshay in beesha caalamku ay mar walba taageerayso go’aankii Dowladda Federaalka ah soo jeedisay ee ahaa in 4.5 lagu soo xulo aqalka hoose ee Baarlamaanka iyo kan aqalka sare oo maamul goboleedyo ah, waxa uuna Tilmaamay in Beesha Caalamku ay isla qaada dhigeen in Somalia 4-sano ee soo socota wax lagu wada qeybsado nidaamka la meel mariyey ee 4.5.

Sidoo kale, waxaa uu sheegay inay hayaan dhowr nooc oo doorashada loo wajahi karo balse ay tixgalinayaan soo jeedintii Dawladda Somalia taas oo aysan beesha caalamka wax go’aan ah ku lahayn, sababta ay u taageerayaan go’aanka Dowladda Federaalka ayuu ku sheegay in xilligaan sababo ammaan xumo iyo xaalado kale dartood aan noocyada kale doorashada laga dhigi karin, sida uu Mr Michael Keating hadalka u dhigay.

Hadalka Michael Keating ayaa kusoo beegmayaa xilli maamulka Puntland wali ay ku adkaysanayso mawqifkeeda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News