25.4 C
Mogadishu
Sunday, June 15, 2025

Michael Keating oo weerar afka ah ku qaaday talisyada ciidamada dowlada

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Ergayga gaarka ah ee QM u qaabilsan arrimaha Somalia Michael Keating ayaa ka digay in dowlada Federaalka ah ee Somalia ay ka gaabiso xakameynta ciidamada.

Ergayga ayaa sheegay in ciidamada dowlada qaarkood ay yihiin kuwo aan ka dhisneyn sharciyada ciidanka, isla markaana ay muhiim tahay in wax laga baro si looga nabadgalo.

Michael Keating, waxa uu sheegay in ciidamada dowlada ay yihiin kuwa ugu badan ee tacadiyada u geysta dadka shacabka, iyadoo aan la ogeyn asbaabaha keenay in dhaqano aan habooneen ay kula dhaqmaan shacabka.

Mr Keating, waxa uu farta ku goday in dowlada Somalia laga doonaayo in ciidamadeeda ay ka xakameyso shacabka, waxa uuna ku nuux-nuuxsaday in xiliyada qaar ay geystaan dilal bareer ah.

”Dowlada Federaalka ayaa laga doonayaa in ciidamadeedu ay kula xisaabtanto tacadiyada ay u geysanayaan dadka shacabka ah ee ku nool magaalada Muqdisho, waxan aragnaa waxyaabo aysan maskaxdu qaadankarin”

Michael Keating, ayaa tilmaamay in la doonaayo in ciidamada loo sameeyo hogaan adag oo wax ka yaqaan sharciyada, si ay ciidamada kula xisaabtamaan falalka ay geysanayaan.

Haddalka Michael Keating, ayaa imaanaya xili ciidamada Militeriga ay hub ka dhigista kadib dib u bilaaben in dadka shacabka ah ay ku baaciyaan hubka ay wataan amaba si bareera u toogtan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

- Advertisement -

Read more

Local News