Dowlad aan la fileynin oo ku biirtay xiisada Khaliijka iyo muran weli ka taagan…

By Asad Cabdullahi Mataan

Dubai (Caasimada Online) – Dowlada Ruushka ayaa shaaca ka qaaday inay ku biirtay dhex dhexaadinta dowladaha Khaliijka oo iyagu weli is khilaafsan.

Afhayeen u hadlay Wasaarada Arrimaha Dibada Ruushka, ayaa sheegay in dowladiisa ay wafdi heer sare ah u dirtay dalka Kuwait, si dalkaasi ay garab uga siiyaan xalinta xiisada weli taagan.

Afhayeenka waxa uu sheegat in wafdiga ay marka hore macluumaadka xiisada la wadaagi doonaan dowlada Kuwait, si ay ugu sahlanaato dhex dhexaadinta Xulafada Sacuudiga iyo Qadar.

Waxa uu intaa ku daray in xiisadaasi uu iminka ku baxay Wasiirka Arrimaha Dibada Ruushka Sergey Lavrov iyo mas’uuliyiin kale.

Sergey Lavrov oo weli booqasho ku jooga dalka Kuwait ayaa ka shaqeynaaya si uu amiirka dalkaasi ugala hadlo waan waanta laga dhex wado dalalka Carabta Khaliijka ee xiisada ka dhex taagan tahay.

Waxaa todobaadkan isaguna booqasho ku yimid Kuwait Xoghayaha Guud ee QM Antonio Guterres oo kulan noocaan ah la yeeshay amiirka Kuwait Shiikh Sabah Al Ahmad Al Jaber Al Sabah.

Dalalka Caalamka ayaa taageeradooda u muujiyey in la dhex dhexaadiyo dalalka Khaliijka, waan waantaasi oo uu hogaaminayo Amiirka Kuwait walow dadaalkaasi uusan weli miro dhalin.

Waa markii ugu horeysay uu Wasiirka Arrimaha Dibada ee Ruushka uu booqasho ku tago dalalka Carabta tan iyo intii ay xiisada ka dhex dhexalatay xulafada Sacuudiga iyo Dowlada Qatar.

Caasimada Online
Xafiiska Dubai
Caasimada@live.com