Sawirro: Ganacsatada gobolka Banaadir oo cod dheer ku taageeray go’aanka wasaaradda ganacsiga

Muqdisho (Caasimadda Online)– Tallaabadii ay wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha ee xukuumadda federaalka ku kala ceyrisay rugta ganacsiga ayaa dhalisay kala qeybsanaan iyo in labo garab u kala jabaan ganacsatada Soomaaliyeed oo kuwooda ugu badan ee gobolka banaadir cod dheer ku taageeray, qaarna sharci daro ku tilaameen.

Kulan ay isugu yimaadeen ganacsatada Gobolka Banaadir oo lagu taageerayay talaabadii ay qaadday Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ayaa ka dhacay Hotelka Ramaada ee Magaalada Muqdisho.

Isu imaadka Ganacsataada ayaa lagu soo dhaweeyaay tillaabada ay qaadday Wasaaradda Ganacsiga oo aheyd bur burinta Rugtii Ganacsiga waxaana halkaas ka hadlay ganacsato Soomaaliyeed, kuwaa oo sheegay in lagama maarmaan ay tahay in la helo rug ganacsi oo lagu soo dhiso si caddaalad ah.

Ganacsatada Gobolka Banaadir oo ka hadlay qaarkood kulankii maanta ayaa diiradda lagu saaray sidii loo heli lahaa doorasho xalaal ah iyo dhismo rug gamacsi oo loo dhan yahay, dadkii ka hadlay ayaa waxaa ka mid ahaa Luul Maxamed Sh. Cusmaan.

“Ugu horreyn waxaan codsaneynaa in la taageero go’aankii Wasaaradda gaartay kaasoo ahaa kala dirista rugtii Ganacsiga, waana inaan dhisanaa rug ganacsi oo nadiif ah”. ayey tiri Luul Maxamed Sh. Cusmaan. Sidoo kale waxaa isna halkaa ka hadlay Cabdulqadir Maxamed Nuur Siidi oo ka mid ah Ganacsata Soomaaliyeed wuxuuna yiri “ Ganacsatada haku qancaano amarka Wasaaraddooda, waxaan soo dhaweynaa ammarka wasaaradda kasoo baxay, waxaana leehay Rugta Gamacsiga la dhisi doono caddaalad halagu dhiso si wax fiican uga soo baxaan”.

Cabdullahi Maxamed Mursal oo ka mid ahaa ganacsatadii halkaa ka hadashay ayaa ku baaqay in la helo rug ganacsi oo nadiif ah, wuxuuna kaloo sheegay in la taageero g’aannadii kasoo baxay Wasaaradda Ganacsig. Ganacsade Nuur Kheyre iyo Yariis oo iyagane ka hadkay goobta ayaa iyagana muujiyay in la helo Rug Ganacsi oo xalaal ku timaad.

Ugu dambeyntii waxaa halkaa ka hadlay Afhayeenka Ganacsatada Gobolka Banaadir Bile Cabdi Siyaad kaasoo soo dhaweeyay amarada wasaaradda Ganacsiga ku kala dirtay rugtii Ganacsiga wuxuuna sheegay iney soo dhaweyna.