Muqdisho (Caasimada Online) Mid ka mid ah beelaha ka qaybgalay shirka dib u heshiisiinta Jubbooyinka ayaa maanta markii la furay shirka isaga baxday, waxaana ay sheegtay in shirkaas loo qabtay labo beel oo kaliya.
Beesha shirka ka baxday oo ah Dir, ayaa afhayeen u hadlay oo lagu magacaabo Axmed Maxamed oo loo yaqaano Macalin Barre, wuxuu shir jaraa’id ku qabtay Hotel ku yalla Muqdisho, wuxuu sheegay in shirkaas loo qabtay beelaha Daarood iyo Hawiyo sida uu hadalka u dhigay.
“Annigoo ku hadlaya beesha dir,waxaan halkan ka sheegayaa in shirkii maanta ka dhacay Muqdisho in aan isaga baxnay, waayo ma ahan shir naquseeya” ayuu yiri Macallin Barre.
Wuxuu baaq u diray beelaha kale ee ka qaybgalaya shirka, wuxuuna ka codsaday in ay shirka isaga baxaan.
Ugu dambeen, Macalin Barre, ayaa tilmaamay in ay baaq degdeg ah u dirayaan xildhibaannada iyo wasiirrada ka soo jeeda beesha Dir ee ku jirra dowladda, waxaana uu yiri waa in ay 48-saac gudahood ay isugu yimaadaan shir ka dhacaya Muqdisho kaasoo loogu sheegayo go’aanka beesha ay ka qaadatay shirka Jubbooyinka ee Muqdisho.
Ma jirto ilaa hadda wax hadal ah oo ka soo baxay dowladda oo ku aadan beesha Dir oo shirka isaga baxday.
Dhinaca kale, shir looga soo horjeedo shirka Jubbooyinka ayaa maanta ka furmay magaalada Baydhabo, waxaana looga hadlayaa siddii maamul gobaleed loogu sameen lahaa lix gobal oo ay ku jiraan Jubbooyinka iyo Gedo.
Shirkaas waxaa dabada ka riixaya mas’uuliyiin ka tirsan dowladda iyo siyaasiyiin caan ah.
Caasimada Online
Xafiiska Wararka Muqdisho

