Mid ka mid ah musharaxiinta P/land oo arrin ka yaabisay kala kulmay Faroole

Garoowe (Caasimada Online) – Wararka aynu ka helayno magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland ayaa waxay sheegayaan in maamulka Puntland uu u diiday inuu gudaha magaalada Garoowe galo Shire Xaaji Faarax oo ka mid ah musharaxa tartanka ugu jira kursiga Madaxweynaha Puntland, kaas oo isaga iyo wafdi la socday lagu amray inay ka laabtaan Garoowe, isla markaasna maamulka Puntland uusan ogoleyn inay gudaha u galaan.

Sida warku sheegayo ciidamada maamulka Puntland ayaa diidan inay gudaha u galaan magaalada Garoowe wafdi uu hogaaminayey musharax Shire Xaaji Faarax, waxaana la sheegay in ciidamada Puntland ay musharaxa ku amreen inuusan gelikarin magaalada Garoowe uuna dib ugu laabto halkii uu ka yimid, inkastoo markii dambe loo ogolaaday inuu gudaha u galo magaalada, inkastoo laga reebay gaadiid dagaal oo la socday.

Musharax Shire Xaaji Faarax oo arrinka ka hadlay ayaa sheegay in loo diiday inuu gudaha u galo magaalada waanwaan ka dibna la ogolaaday inuu keligiis galo inkastoo uu taasi diiday uuna dib isaga laabtay, isagoo xusay in labo gaari oo tikniko ah oo isaga la socotay aysan waxba u dhimi-karin amaanka Garoowe balse maamulka Puntland uu arrinkaasi ka lahaa ujeedo u gaar ah isaga oo uusan garankarin sida uu yiri.

Taliyaha amniga doorashada Puntland Gen. Siciid Dheere ayaa horey u sheegay in meelaha aan amniga aheyn ee Puntland ka mid ah ama amnigoodu aanu isku duba ridneyn ay musharixiintu ka xaysan karaan gawaari qoryo saaran yihiin laakiin markii ay yimaadaan Garowe loo oggol yahay ilaalo kooban oo aan wada gawaarida qoryuhu ku rakiban yihiin, sidoo kale Gen. Siciid Maxamed Xirsi ayaa sheegay inay muhimad siinayaan musharixiinta horey u soo shaqeeyay ee ay dhici karto in shaqadii ay ku jireen kuwo cadow ah ku kasbadeen, taasna ma ahan inaan caddaalad darro sameyneyno ayuu yiri mar uu ka hadley arrinta doorashooyinka, maadaama ay jiraan qaar musharixiinta ka mid ah oo Garowe gawaari ilaalineysa ay la tageen.

Si kasta oo ay ahaataba arrinkan ayaa ku soo aadeysa iyadoo labo todobaad ka hor sidan oo kale wafdi uu galbinayey C/weli Maxamed Cali Gaas loo diiday inay gudaha u galaan magaalada Garoowe, inkastoo markii dambe wadahal iyo waanwaan-dheer ka dib ay ogolaadeen maamulka Puntland inuu gudaha u soo galo magaalada, inkastoo ciidamadii isaga galbinayey lagu sameeyay hub ka dhigis intii uu joogay magaalada Garoowe.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com