VIDEO: LABADA MASHRIQ IYO MAQRIB iyo Mucjisada Qur’aanka Kariimka ah

Markay soo degtay aayaddan qiimaha badan ee qowlka Alle Sarreeye ee oranaysa

(رَبُّ الْمَشْرِقَيْنِ وَرَبُّ الْمَغْرِبَيْنِ)

 [الرحمن: 17]

”Rabbiga labada qorrax ka soo bax iyo labada qorrax udhac’‘. Ar- Raxmaan: 17d

Aad baa loola yaabay, Yahuuddii iyo Munaafiqiintii Madiinah iyo Kufaartii Qureesheedba aad bay ula yaabi jireen aayaddaas, waxayna oran jireen sidee bay u jiraan labo qorrax kasoo bax iyo labo qorrax u dhac ah?

Si kastoo ay uga shakiyeen cilmiga iyo kitaabka uu la yimid nebi Muxammad (NNKH) haddana Ilaahay waa diiday wax kale inuu diintiisa dahiriya mooyaane, oo ay iyadu noqota midda wax waliba ka sarreeysa. Wuxuuna Ilaaha isagoo tilmaamaya cilmiga weyniga badan ee ku hoos duugan aayad weliba ama xarafkastoo oo ay ka shakiyaan mushakikiintaasi amaba kamid ah Quraankiisa uu Quraankiisa kariimka ahi ku yiri

 ((ولتعلمن نباه بعد حين))(ص.88)

”Hubaashii waad ogaan doontaan xaqiiqdiisa muddo kadib”. Saad: 88d
Cilmiga wuu ka caajisay inuu helo xaqiiqada ay aayadda sare ka warramaysa in muddo 1400 sano ka badan ah,  jeer maanta la soo gaaray aqoontan casriga ah iyo tiknoloojiyada, markaasoo ay waxyaaba badan oo Quraanka kariimka uu ka warramay 14 qarni ka hor ay immika rumoobayaan, ayna dhacaysa in aqoonyahannada reer galbeedka ay u khushuucaan diintan Islaamka ah ee samawiga ah, dabeetana ay maalin waliba sidaas ku islaamaan kuwa ku talaxtegey cilmiga xadaska.

Culimadeenna Islaamka, ama aan dhahee Soomaalida ayaa waxay Quraanka inoogu macneyn jireen tafsiiru ra’yiga, oo ay aayaddaasi ku macneyn jireen badanaa in loola jeedo cadceedda oo qorrax kasoo bax xilliyada xagaayga ama jiilaalka dhinac uyara durugta halkii lagu yaqaannay, laakiin isla jihadii uun kasoo baxdo. Xilliga ay dhacaysana ay sidaas oo kale tahay. Laakiin xaqiiqada ayaanan sidaasi ahayn, macnuhuna wuxuu noqonayaa siduu Alle horey usheegey oo uu yiri ”Goor dambaad ogaan doontaan warkiisa Quraanka”.

Sidaynu ogsoonnahay cadceedda ayaa waxaan u naqaannaa meeraha weyn ee loo yaqaan Shams/Sun, ee xajmiga weyn leh. Xaqiiqooyin hore ayay culimada wakaaladda NASA ee Maraykanka ku iktishaafeen in meerayaasha meera kastaahiba uu leeyahay dayaxyo u gaar ah, qaarkoodna ay leeyahiin wax kabadan 60 dayax,  qaarna hal sida kan dhulka oo kale, qaarna aanay lahayn wax meera ah.

Dhanka kale NASA ayaa sheegtay in meeraha dhulka (Earth) aanu ahayn meeraha keliya ee ay cadceeddu ifiso, waxaana jira inay ifiso meerayaal badan oo kala duwan, waxayna yiraahdeen sidaas daraaddeed waxaa jira qorrax kasoo baxyo tira badan iyo qorrax u dhacyo tira badan, taasuna waa halka uu Ilaahay Sarreeye ka oranaya markuu inooga warramayay arrinkaasi isagoo weliba ku dhaaranaya

(يقول تعالى: (فَلَا أُقْسِمُ بِرَبِّ الْمَشَارِقِ وَالْمَغَارِبِ إِنَّا لَقَادِرُونَ

 [المعارج: 40] 
”Ee waxaan ku dhaaran Rabbiga dhammaan qorrax kasoo baxyada iyo qorrax u dhacyada inaan awoodno”. Al Mucaarej: 40

Subxanallaah!!.. Subxanallaah!!… Subxanallaah!!.. Qur’aanka ayaa inoo sheegaya 1400 sano ka hor xaqiiqada ah in ay jiraan qorrax kasoo baxya badan iyo qorrax udhacyo badan, taasoo ay immika uun ogaanayaan reer galbeedka. Layaab badanaa qoom ka tagaya kitaabkii uu Ilaahay ku sharfay, oo meel aanan isaga ahayn ka raadinaya cilmi?
Dhanka kale xaqiiqada labada qorrax kasoo bax iyo qorrax udhac, wakaaladda NASA, ayaa dhawaan (goor ku siman sanad ama labo sano kahor/2010-2011) iktishaaftay xaqiiqada meera cusub oo dhawaan la heley, kaasoo la yiraahda Kepler 16B. Meerahani Kepler 16B wuxuu xajmigiisu la eg yahay meeraha loo yaqaan Suturn/Zuxal. Wuxuu ku wareegtaa meerahan Kepler 16B labo cadceed oo midi ay midda kale ka weyntahay. Sidaa darteed wuxuu leeyahay labo qorrax kasoo bax iyo labo qorrax u dhac.  Labada adceed ayaa mar waxaa soo hor baxda midda yar, marna midda weyn, marna way isla soo baxaan. Meerahan dhawaan la heley ayaa lagu sheegey in aanay dushiisu ka jirin wax nolal ah, waxaana lagu sheegey inuu yahay meere aad u qabow badan.

Xaqiiqadani ay dhawaan iktishaafeen culimada wakaaladda NASA ee Mareykanka, ayaa noqoneysa cilmi weyn oo dhawaan la gaaray iyo macluumaad kowni ah oo la heley, halka Ilaahay kor ahaaye uu Quraankiisa arrinkaasi inoogu warramay xilli kusiman muddo 14 qarni kahor, taasoo caddeyneysa xaqnimada diinta Islaamka iyo kitaabka Quraanka kariimka ah.

Run buuna sheegey Alle markuu yiri

(رَبُّ الْمَشْرِقَيْنِ وَرَبُّ الْمَغْرِبَيْنِ)

 [الرحمن: 17]

Sidoo kale run buu sheegey markuu yiri

((ولتعلمن نباه بعد حين))(ص.88)

”Hubaashii waad ogaandoontaan xaqiiqdiisa muddo kadib”. Saad: 88d

Halkan ka daawo macluumaadka meerahan oo ay ka hadlayaan culimada NASA:

Subxanallaah!!.

WD: Mohammed Tahir Abdi
Email: mohamed1@live.fi
_______________________________________________________________________
Afeef: Qormadani waxay ugaar tahay qoraha iyo webka, lama daabacan karo idan la’aan.