25 C
Mogadishu
Sunday, June 29, 2025

Mid ka mid ah musharrixiinta ugu cad-cad PUNTLAND oo tegay Garoowe

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Garoowe (Caasimada Online) Magaalada Garoowe ee xarunta Maamulka Puntland, waxaa maanta oo Sabti gaaray mid ka mid ah musharrixiinta ugu cad-cad doorashadda Puntland.

Musharraxan oo lagu magacaabo Cali Xaaji Warsame ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada, waxaana soo dhaweeyay ay wateen sawiradiisa iyagoona muujiyay inay ku faraxsan yihiin imaashiyaha uu ku soo gaaray Garoowe.

Mar uu saxaafadda iyo dadkii soo dhaweeyay uu la hadlay wuxuu tilmaamay Cali Xaaji Warsame in uu aad ugu faraxsan yahay soo dhaweyntiisa isla markaana uu faah-faahin doono qorshaha uu yimid Garoowe oo xarunta Maamulka Puntland.

Cali Xaaji ayaa ka yimid magaalada Qardho ee gobalka Karkaar isagoona halkaas kula hadlay dadka deeganka,wuxuu horrey u sheegay in uu Puntland ay u baahan tahay hoggaan cusub iyo isbadal dhab ah.

Dhinaca kale, waxaa maanta magaalada Gaalkacyo ee gobalak Mudub ku soo laabtay ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo maalmahan ku maqnaa magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

Wuxuuu sheegay in uu qaylo dhaan u diray beesha caalamka si loogu gurmado dadkii ku waxyeeloobay roobabkii iyo duufaanti ku dhufatay deegannada Puntland.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Garoowe

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News