Mid ka mid ah raggii Gaas uu u bixiyey 12-ka ‘Midowga Shayaadiinta’ oo jawaabay

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cali Yuusuf Xoosh ayaa si adag u dhaliilay Buug uu Cabdiwali Gaas ku aflagaadeeyay mas’uuliyiin kala duwan oo uu kamid yahay Cabdiraxmaan Faroole, mid kamid ah bud-dhigeyaashii Puntland.

Buuga ayaa waxaa lagu soo qaadey rag uu u bixiyey ‘Midowga Shayaadiinta’ wuxuuna is-barbardhig ku sameeyay xukuumadiisa iyo kuwii kale ee ka horeeyay.

Xoosh ayaa markii uu Buuga arkay xiriir la sameeyay Gaas. Cabdiwali wuxuu qirtay in uu Buugu isagu leeyahay, wuxuuse qiil ka dhigtay ‘gedaal buu ka fiican yahay’. Hase ahaatee, warkaa “ima anficin,” ayuu yiri Cali Yuusuf.

“Waxaa la yiraahdaa beenlowga waxaa sira beenta oo xusuustaa yar; beelow xusuus yari ayaa sirdha [sirta] ayaa la yiraahdaa,” ayuu tibaaxay, isaga oo raaciyey: “Wuxuu yiri ‘Cali baa lasoo xiriiray Maxamed Cabdiraxmaan buu qadka soo geliyay si qarsoodi ah’ dabeecadaas maba aqaano, tiknoolajiyad ahaan”.

Gaas, kahor inta aan 8-dii Janaayo 2014-kii loo doortay madaxweynaha Puntland, ayaa wuxuu soo noqday ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

“Ragga uu u bixiyey 12-ka uu yiri ‘Midowga Shayaadiinta’ wuu sii fogaadey oo abkooda ayuu gaarey…nimankaasi waa niman reer Nugaaleed ah…oo tiradooda maba aqaani oo tiruu sheegay isagu…waan maleynayaa in ragaasi oo aan anigu kamid ahay oo akhyaar ah oo odayaasha meeshaas ah oo xag cibaado, akhlaakh, xag mas’uuliyadeed niman qiima gal ah…laakiin garan kara ninka xun ee isaga oo kale nooca uu yahay ah oo doonayo in uu ku kaarto baxo oo xumaanta uu leeyahay diiradda ku saara halkaas,” ayuu hadalkiisa raaciyay.

10-kii bishii June 2011-kii, kadib codsi ka yimid Gaas isaga oo Kampala ku sugan, Senator Faroole oo haatan kamid ah Aqalka Sarre ee baarlamaanka federaalka, ayaa Cabdiwali ku taageeray inuu noqdo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

“Aniga oo Qardho maraya ayuu ila soo hadlay wuxuu igu yiri ‘Cabdiraxman Faroole igala hadal Farmaajo ra’iisul wasaare buu ii wadaa’ Faroole oo Jabuuti jooga ayaan la hadlay wuuna ogolaadey, sidaasi ayaana ku dhameeyay, abaal bey ahayd oo aan u galay,” ayuu sharcidejiyaha ku daray hadalkiisa.

“Abaal-laawe”

“Ragga kale oo uu xusay, Shayaadiinta uu ku sheegay, laakiin qiimigooda dadka kale og-soon yahay, waxaan ogaa oo aan anigu kamid ahaa lacag 100-kun oo dollar ah in aanu siinay oo jeebabkeena aanu uga qaaraanay, waqti uu lahaa doorashaaan gelayaa…abaal la’aanta marka waa lagu yaqaanaa, as-raarta beenta ahna waa lagu yaqaanaa…Farmaaijhii boosas-kaasi keenay iyo Faroole-iyo kuli waxa uu ugu abaal-guday waa lagu yaqaanaa…marka ninkii wanaag u gala xume ayuu ugu abaal-gudaa, as-raarkana waa yaqaanaa,” ayuu daba dhigay xildhibaan Xoosh.

“Waa ninka baarlamaanka dhexdiisa lacagta uu sameeyay oo la yiri ‘lacagtan ma sameyn’ oo uu yiri ‘gacantiina ayaan ku arkay’ waa ninka intii shaqaalihii ay soo istaageen yiraahdeen ‘mushahar ma aanan qaadan oo caan ah’ oo isaga markaa Garowe dabaqyo ka dhisanayey oo hadda uga dhisan yihiin Gaalkacyo, Washington, lahaa ‘shaqaaluhu mushahar buu qaatay’ asraar noocaas ah aniga ahaan waa qofkii ugu horeeyay oo meel lasoo istaaga mas’uul noocaas ah,” ayuu mudanaha hoosta ka xariiqay.

“Isbarbardhigii baan wadaa…waqtigii uu joogay iyo waqtigii kale….wuxuu sii daayay argagixisadii jeelasha ku xirneyd…wuxuu sii xoojiyey oo uu heshiis la galay argagixisadii kale ee beeraha joogtay, illaa iyo ay baadeen ganacsatadii…wali lama arag Puntland…xiligiisii maraakiib deeq ah oo masaakiinta loogu talogalay uu yiri xulufo aktiisa ‘isoo iibsha’ oo ganacsatadii laga wada iibiyey oo kuli bakhaarada lawada dhigi jiray,” ayuu yiri Xoosh.

“Waxayno aragnay in madal kasta uu tago wax been ah oo aan daacad ahayn oo dadka meesha uu jooga uu ku qacinayo in uu sheego sidii markii Canada uu tago uu yiri ‘Puntland faqiiriin baa isugu soo haray iyo dadaan aqoon lahayn’ tii Dubai oo uu yiri ‘Puntland waa gabar fiicanoo [laakiin] aal-ku-luusteyaal baa guursadey’ odayaashii soo xukumay [Puntland] nin been sheegay kuma jirin; nin faanaana kuma jirin; nin khaladaadka suuqa lehna kuma jirin; nin-nin u gefaya nin-nin wax ka sheegaya kuma jiirn,” ayuu xusay.

Hoos ka daawo muuqaalka