Mid ka mid ah culimadii la dooday Axmed Godane oo geeriyooday (Warbixin)

Muqdisho (Caasimada Oline) – Allaha u naxariistee waxaa dalka Urdun ku geeriyooday Sheekh Cali Warsame oo ahaa caalim Soomaaliyeed oo weyn, kaas oo muddooyinkii la soo dhaafay ku xanuunsanaa dalkaasi, waxaana geeridiisaa xaqiijiyey qaar ka mida ehelladiisa.

Sheekh Cali Warsame ayaa si weyn looga yaqaanay gayiga Soomaaliyeed, wuxuuna soo noqday hoggaamiyihii ugu horreeyey ee ururkii Al-Itixaad oo la aasaasay horraantii 1980.

Marxuumka ayaa sidoo kale ahaa Sheekhul baladka gobolka Togdheer ee Somaliland, isaga oo muddo ka badan nus qarni ku howlanaa faafinta diinta Islaamka.

Sidoo kale marar badan ayaa la xiray intii uu ku jiray fidinta dacwada, wuxuuna horey u cambaareeyey falalka ay geysato kooxda Al-shabaab.

AUN Sheekha ayaa ka mid ahaa guddigii culimada ee sanadkii 2009 Axmed Cabdi Godane kala dooday afkaartooda ku saleysan gaaleysiinta dadka Muslimiinta ah.

Dhanka kale wasaaradda warfaafinta Soomaaliya ayaa war kasoo saartay geerida ku timid marxuumka, waxayna tacsi u dirtay ehelladiisa iyo guud ahaan dadka Soomaaliyeed.

Madaxda wasaaradda warfaafinta ayaa sidoo kale waxay Alle uga baryeen inuu Jannadii fardowso ka waraabiyo, ehelkii iyo asxaabtii ka tagayna samir iyo iimaan Alle ka siiyo.