Mid ka mid ah ugaasyadii si weyn u diidanaa hanaanka doorashada Jubaland oo tanaasulay (Daawo Video)

Kismaayo (Caasimada Online) – Mid ka mid ah ugaasyadii sida weyn u diidanaa hannaanka doorashada maamulka Jubaland ayaa maanta ku dhowaaqay inuu ka tanaasulay fikirkiisii hore.

Ugaas Xuseen Ugaas Maxamuud Ugaas Qorane, oo kasoo jeeda beesha Cowlyahan ee Ogaadeen, ayaa sheegay inuu go’aankan qaatay isaga oo eegaya danaha bulshada reer Jubaland iyo dadka baylahan, si looga hortago dhibaato kale oo ka dhacda Jubaland.

Ugaaska ayaa sheegay in is-qabqabsi sii socda oo Jubaland ka dhaca ay hoggaamin karta colaad ka dhacda deegaanada Jubaland, taasi oo uusan dooneyn.

Ugaas Xuseen Ugaas Maxamuud Ugaas Qorane ayaa sheegay in hadda wixii ka danbeeya uu dib ugu noqonayo howlahii dhaqanka ee uu bulshada u hayay, islamarkana uu la shaqaynayo qofkii ku guulaysta doorashaa madaxtinimada Jubbaland.

Ugaaska ayaa sheegay inaysan jirin cid ku qasabtay go’aanka uu qaatay, balse uu sidan u sameynayo maslaxada Jubaland.

Ugaaska ayaa ugu baaqay dhamaan shacabka ree Jubbaland midnimo iyo wadajir isla markana la garab istaago qof kasta oo kusoo baxa doorashooyinka.

Hoos ka daawo Ugaaska


Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
caasimada@live.com