Mid ka mid ah wasiiradii uu magacaabay Shariif Xasan oo sabab yaab leh isku casilay

Baydhabo (Caasimada Online) – Xili 30-kii July ee sanadkan uu Hogaamiyaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan uu isku shaandheyn ku sameeyay Golaha Wasiirada maamulkiisa ayaa waxaa soo baxaaya in mid kamid ah Wasiirada la magacaabay uu iska casilay xilka.

Wasiirka is casilay Eng. Saalah Sheekh Cusmaan oo ku magacaaban Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Dib u Dhiska Dawlad Goboleedka Koonfur Galbeed, ayaa horay isla xilkan uga soo qabtay dowlada Federaalka Somlia.

Is casilaada Wasiirka oo aheyd mid aad loola yaabay ayaa waxaa ka danbeeyay kadib markii lagu niyad jabiyay inay sharaf dhac u tahay in mar kale uu dib ugu laabto heer maamul Goboleed, isagoo horay isla Wasaaradaasi uga soo qabtay Xukuumadii hore ee Somalia.

Dad saaxiibo dhow la ah Eng. Saalah Sheekh Cusmaan ayaa ku tashkiiliyay inuu iska casilo xilka uu u magacaabay Hogaamiyaha Koonfur Galbeed, waxa uuna sidaa ku iclaamiyay is casilaadiisa.

HOOS KA AKHRISO QORAALKII UU KU CADEEYAY IS CASILAADA:

UJEEDO: Inaan qaban Xilkaas

Isbadal ayaa dhawaan lagu sameeyay Golihii Wasiirada Dawlad Goboleedka K/Galbeed, wajiyada cusub ee Maamulkaasi lagu soo kordhiyay ayaa magaceyga ka dhex arkay, anigoo xilligaa ka maqnaa wadanka.

Mabda’ ahaan waxaa iga go’an inaan mar walba u adeego ummadda Soomaaliyeed, wey mahadsan tahay ciddii aniga oo maqan xilkaasi igu sharaftay, marka aan qiimeeyay marxalada la joogo waxaa ii soo baxday inaan qaban xilka laygu magacaabay ee ah Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Dib u Dhiska Dawlad Goboleedka K/Galbeed sabbabo jira awgood.

Anigoo jecel Qaranimada, Wadajirka iyo Horumarka bulshada Soomaaliyeed ayaa guud ahaan shacbigayga waxan u rajaynayaa Nabad, Guul iyo Barwaaqo.

Mahadsanidiin

Caasimada Online

Xafiiska Baydhabo

Caasimada@live.com