Brussels (Caasimada Online) Midowga Yurub ayaa caawa ku dhawaaqay lacago hor leh, taasoo loogu talagalay howlgalka midow afrika ee AMISOM.
War-saxaafadeed ka soo baxay xarunta Midowga Yurub ee Brussels ayaa la sheegay 17-Milyan oo Yurow in loogu deeqay howlgalka AMISOM.
Lacagtan ayaa lagu maareen doonaa gunooyinka askarta iyo shaqaalaha kale, in hub iyo qalab kale loo keeno si ay u derderiyaan howlgalada.
Ciidanka AMISOM oo hadda gaaraya ilaa 17,000 oo askari waxa ay taageero xooggan siiyaan dowladda Soomaaliya iyo hey’addaha ajaaniibta.
Dhaqaalahan loogu deeqay AMISOM, ayaa ku soo beegmaya iyadoo dhowr cisho ka ddib Midowga Yurub uu qabanaayo shir weyne mihiim oo Soomaaliya quseeya.
Caasimada Online
Xafiiska Wararka Muqdisho