Brussels (Caasimada Online) – Midowga Yurub ayaa Arbacada shaaciyay liis ay ku jiraan toddobo dal oo uu u aqoonsaday “waddamo ammaan ah”, si loo dedejiyo dib u celinta muhaajiriinta loona adkeeyo helidda magangelyo ee muwaadiniinta dalalkaas.
Guddiga Midowga Yurub ayaa soo jeediyay in Kosovo, Bangladesh, Colombia, Masar, Hindiya, Marooko, iyo Tunisia loo aqoonsado “dalal asal ahaan ammaan ah”.
Tallaabadani waxay dowladaha xubnaha ka ah Midowga Yurub u ogolaaneysaa inay si dhakhso leh u baaraan codsiyada magangelyo ee kasoo gudba muwaadiniinta dalalkan — iyadoo laga ambaqaadayo in codsiyadaasi aysan ahayn kuwo sal adag leh.
“Dalal badan oo xubno ka ah Midowga Yurub waxay la daalaa-dhacayaan dib-u-dhac ballaaran oo ku yimid go’aaminta codsiyada magangelyo, sidaas darteed, tallaabo kasta oo dedejin karta geeddi-socodka go’aan gaarista waa lama huraan,” ayuu yiri Magnus Brunner, guddoomiyaha socdaalka ee Midowga Yurub.
Guddigu wuxuu intaa ku daray in waddamada ku jira liiska dalalka doonaya inay ku biiraan Midowga Yurub ay sidoo kale u qalmi karaan in loo aqoonsado dalal ammaan ah, marka laga reebo xaalado colaadeed oo si gaar ah u saameeya.
Midowga Yurub ayaa hore u soo bandhigay qorshe noocan oo kale ah sannadkii 2015, balse waxaa la hakiyay kadib muran xooggan oo ka dhashay in Turkiga lagu daro iyo in kale.
Brussels ayaa cadaadis xooggan kala kulmeysay sidii loo xakameyn lahaa socdaalka sharci darrada ah loogana shaqeyn lahaa masaafurinta, kaddib markii ay dadweynuhu u dareemeen niyad jab la xiriira arrimaha socdaalka — taasoo horseeday in xisbiyada midigta fog ay guulo ka gaaraan doorashooyin dhowr waddan ka dhacay.
Dalalka ay hoggaaminayaan mowqifyada sida Sweden, Talyaaniga, Denmark iyo Netherlands ayaa bishii Oktoobar ugu baaqay Midowga Yurub in la hirgeliyo sharci cusub oo degdeg ah oo lagu kordhinayo laguna dedejinayo dib u celinta. Sidoo kale, waxay guddiga ka codsadeen in uu qiimeeyo “habab hal-abuur leh” oo looga hortagi karo socdaalka sharci darrada ah.
Si jawaab loogu helo arrintaas, guddigu wuxuu bishii hore shaaciyay qorshe dib-u-habeyn ah oo ku saabsan nidaamka masaafurinta Midowga Yurub, kaasoo u ogolaanaya dalalka xubnaha ka ah inay xarumo dib u celin ah ka sameeyaan meel ka baxsan xuduudaha EU-da.
Xogta rasmiga ah ee Midowga Yurub ayaa muujinaysa in haatan ay wax ka yar 20% dadka lagu amro inay ka baxaan EU-da dhab ahaan loogu celiyo waddamadii ay ka yimaadeen.