Addis-Ababa (Caasimada Online) – Ciidamada Difaaca Itoobiya ayaa sheegay inay diyaar u yihiin inay ka jawaabaan “dhibaato kasta oo la xiriirta amniga” iyagoo ilaalinaya danaha qaranka, waxaa sidaas yiri afhayeenka ciidamada difaaca, Sarreeye Guuto Getnet Aadan, isagoo soo qaatay tusaalooyinka danaha qaranka oo ay ka mid yihiin: “xuquuqda isticmaalka biyaha” iyo “arrinta ku saabsan badda.”
Taliyaha waaxda shaqaalaha ciidamada, Lieutenant Jeneral Achalu Shallamee, ayaa sheegay in dallacaaddii dhawaan la siiyay saraakiil sare oo ciidamada ka mid ah ay ahayd mid laga fiirsaday oo lagu eegay howlaha iyo waajibaadka dheeraadka ah ee ay qaadayaan. Labada jeneral ayaa warbixintan siiyay Wakaaladda Wararka Itoobiya ee ENA.
Waxaa xusid mudan in toddobaadkii hore, lixdan iyo lix sarkaal la dallacsiiyay, taasoo uu dalacsiiyay ra’iisul wasaare Abiy Axmed.
Afar ka mid ah saraakiisha ciidamada ee dalacsiinta ka helay madaxweynaha ayaa loo dalacsiiyay darajada jeneraallinimo. Kuwaas waxaa ka mid ah darajada jeneraallinimada ee buuxda loo dalacsiiyay Alemshet Degfe, oo ah lataliyaha taliyaha guud ee ciidamada, kaas oo horey u haystay darajada Lieutenant Jeneral, iyo Desta Abche, madaxda qeybta guud ee difaaca Injineerinka. Yimer Mekonnen, madaxa hoggaanka waxbarashada iyo tababarada difaaca, iyo Driba Mekonnen, madaxa kormeerka difaaca, ayaa sidoo kale loo dalacsiiyay jeneraallo buuxa.
Sarreeye Guuto Achalu, oo ah madaxa hoggaanka shaqaalaha ee ciidanka xoogga dalka, ayaa sheegay in dalacsiintan loo sameeyay si waafaqsan sharciga iyo nidaamka Ciidanka Difaaca.
Waxa uu taxay shuruudaha la tixgelinayo marka la bixinayo horumarinta darajada, kuwaas oo ay ka mid yihiin “waxqabadka waajibka milatari,” “karti hoggaamineed,” iyo “karti iyo anshax.”
Sarreeye Guuto Achalu ayaa yiri, “Magacaabidu waa arrin ah in la aqbalo mas’uuliyadda iyo ka shaqeynta si ay u awoodaan in ay gutaan waajibaadka ka iman kara.”
Sidoo kale wuxuu sheegay in saraakiisha milatari loo magacaabo jagooyin milatari “iyagoo la fahamsan yahay inay qaadaan waajibaad iyo howlo dheeraad ah.”
Agaasimaha xiriirka dadweynaha ee ciidanka difaaca Itoobiya, Getnet Aadan, oo Sabtidii loo dalacsiiyay darajada Sarreeye Guuto, ayaa sheegay in dalacsiintan ay xoojin doonto “diyaargarowga ciidanka” ayna “saameyn wanaagsan ku yeelan doonto hawlaha mustaqbalka.”
Wuxuu intaa ku daray in dalacsiintan sidoo kale laga eegay dhinacyada “danaha qaranka” iyo “xoojinta madaxbannaanida.”
Afhayeenku waxa uu xusay in waqtigan dowladda ay horyaalaan arrimo ay ka mid yihiin “danta qaranka” oo ay ku jiraan “xuquuqda helidda biyaha” iyo “arrimaha dekedaha.”
Afhayeenka ciidamada difaaca Itoobiya, Sarreeye Guuto Getnet, wuxuu sheegay in dowladda ay shacabku soo doorteen ay ka go’an tahay ka miro-dhaliyaan danaha qaranka, isla markaana ciidanka la diyaariyo, isagoo intaas ku daray in “gaaska, warshadaha tamarta nukliyeerka, iyo samaynta warshadaha bacriminta” ay yihiin qaybaha la xiriira.
Waxa uu sheegay in diyaar garowga horudhaca ah ee ay sameynayaan ciidamada uu la xiriirayo “isbeddel ku yimaada awoodda” oo ay abuuri karto hay’ad kale oo ku guda jirta fulinta ajandayaasheeda.
“Marka dowladda iyo shacabka Itoobiya ay arrintan soo bandhigaan, waxay leeyihiin, ‘Waxaan ku xallin doonaa si nabad ah.’ Laakiin sidoo kale waxaa jira dhibaato amni oo arrintan ku lug leh,” ayuu yiri, isagoo tilmaamaya in dhibaato amni ay ka dhalan karto geeddi-socodka.
“Haddii ay timaado ikhtiyaarka xoogga, haddii Itoobiya arrintan kor u qaaddo, tani waa waxa dhici doona, markaas ciidamada waa inay diyaar ahaadaan,” ayuu intaas ku daray.
Waxa uu intaa ku daray in diyaar garowga ay sameynayaan ciidamada uu noqon doono mid la jaanqaadi kara hadafka iyo amarada dowladda.
War-saxaafadeedka afhayeenka wasaaradda difaaca uu sii daayay ayaa imaanaya xilli arrinta gaaritaanka badda ee dowladda Itoobiya ay labadii sano ee la soo dhaafay si joogto ah u soo hadal qaadaysay, ayna noqotay mid si weyn u muuqata.
Waxaa xusid mudan in ra’iisul wasaare Abiy Axmed uu khudbaddiisii usbuucii hore ku sheegay in Itoobiya aysan ahaan doonin “maxbuus juqraafiyeed weligeed.”
Abiy, oo ku nuuxnuuxsaday in arrinta ku saabsan gelitaanka badda Itoobiya ay tahay “mid lama huraan ah,” waxa uu ku booriyay waddamada inay sida ugu dhaqsaha badan isu diyaariyaan wadaxaajoodyada.
Isha: BBC

