Militariga Somaliland oo ku dhowaaqay dagaal cusub

Laascaanood (Caasimada Online) – Milateriga Somaliland ayaa markale sheegay inuu qaadayo tallaabooyin milater oo horleh, kadib dagaalkii shalay magaalada Laascaanood ku dhexmaray ciidamada Somaliland iyo kuwa deegaanka ee SSC.

Somaliland oo hore u iclaamisay inay qaadeyso dagaal qorsheysan ayaa waxay markaan sheegtay inay dharbaaxo kulul ku dhufan doonto ciidanka huwanta ee isgarbasanaya, sida uu warbaahinta afka xukuumadda ku hadasha u sheegay Jeneraal Faysal Cabdi Bootaan.

Taliyaha qaybta 12-aad ee ciidanka milatariga Somaliland ayaa waxa uu yiri “Ciidanka qaranku howl-galadiisii dagaal wuu sii laban laabayaa, talaabo lama ilaawaan ah ayay ka qaadi doonaan huwanta.”

“Niman soo duulay iyo argagixiso kusoo dhex dhuuntay iyo maamulka Puntland oo hadeer cadeystayba ayaa howsha dagaalka keenay,” ayuu yiri Jeneraal Bootaan oo sheegay in Somaliland aysan dhibaato ku aheyn dadka reer Laascaanood.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daraya in goobihii lagu dagaalamay shalay, gaar ahaan xerada Gooja-cadde ay weli joogaan ciidanka milatariga Somaliland, nabad-gelyana ay tahay, ayna ka guuleysteen huwantii dagaalka kula jirtay, sida uu sheegay.

Dagaalka Laascaanood ayaa sii xoogeysanaya xilli uu Mareykanka soo saaray digniintii ugu cusleyd ee dagaalkan u dhaxeeya ciidamada Somaliland iyo kuwa deegaanka ee SSC.

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in dagaalka Laascaanood uu cawaaqib uga iman karo mas’uuliyiinta maamulka Somaliland, ayada oo ugu baaqday Somaliland inay ciidamadeeda kala soo baxdo magaalada.

“Dowladda Mareykanka waxay aad uga walaacsan tahay rabshadaha weli ka socda Laascaanood, waxayna saaxiibadeeda caalamka iyo deriska kula biireysaa baaqa ku aadan in xiisadda la qaboojiyo, loo hoggaansamo xabad-joojinta la isku raacay, la ogolaado gargaarka bani’aadannimo, islamarkaana dib loo billaabo wada-hadallo wax ku ool ah oo ku wajahan xal nabadeed,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed kasoo baxay Waaxda Arrimaha Dibedda.

Mareykanka ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in rabshadaha sii socda ay kordhin doonaan suurta-galnimada ah in kooxaha xagjirka ah ay abuuraan xasillooni darro ballaaran, oo uga sii dari doonta dhibaatada bani’aadannimo ee hadda jirta.

“Waxaan ugu baaqeynaa Somaliland inay ciidamadeeda amniga dib ula soo baxdo si ay u caddeyso inay ka go’an yihiin mabaadi’dan. Waxaan sidoo kale ugu baaqeynaa maleeshiyada Laascaanoood inay ka feejignaadaan ficil kasta oo weerar ah oo ka dhan ah ciidamada Somaliland,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Si kastaba, Xukuumadda Somaliland ayaa ku doodeysa in labadii bilood ee dagaalka socdo ay ciidamadeedu ku jireen weeraro joogto ah, oo aan loo meel dayin, ayna ku koobneed is-difaac, balse hadda kadib aysan sii ahaan karin oo ay qaadeyso weeraro qorsheysan.