Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta oo ku heshiiyey sameynta guddi nooc cusub ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa xafiiskiisa kulan gaar ah kula qaatay safiirka dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta u jooga Soomaaliya Ahmed Jumah Alromaith.

Guddoomiye Aadan Madoobe iyo Danjire Alromaith ayaa ka wadahadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal, sidii loo sameyn lahaa guddi Saaxiibtinimo ah oo ka kooban labada baarlamaan ee Soomaaliya iyo Imaaraadka, sida lagu shaaciyey qoraal ka soo baxay xafiiska Sheekh Aadan Madoobe.

Sidoo kale Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa bogaadiyay doorka Isutagga Imaaraadka Carabta ay ka qaateen la dagaallanka kooxda Al-Shabaab iyo hormarinta ku socota ciidamada Soomaaliya oo hadda tababarro ku qaadaya dalal kala duwan.

Dhawaan Madaxweynaha Soomaaliya oo dalka Uganda tababar ugu soo xiray ciidan cusub oo ku biiraya militeriga Soomaaliya ayaa aad ugu mahad celiyey Imaaraadka Carabta, isagoo shaaciyey in tasiilaadka ciidanka lagu tababaray Uganda ay Imaaraadku bixiyeen.

Maalin ka hor Ra’iisul Wasaare ku xigeenka xukuumadda Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac ayaa sidaan oo kale xafiiskiisa ugu qaabilay safiirka dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta Ahmed Jumah Alromaith.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka iyo Safiirka ayaa kulankaas uga wadahadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga u dhaxeeya labada dal ee Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta.

Dowladda Imaaraadka oo dhawaan dib u soo celisay xiriirkii kala dhaxeeyey dowladda Soomaaliya ayaa hadda wada galaangal xoog leh, iyadoo danjiraha Imaaraadka ee Soomaaliya uu mid mid ula kulmayo masuuliyiinta Soomaalida.

Dhawaan waxaa hadal-heyn badan abuuray gaadiid dagaal oo kor u dhaafaya 100 Cabdibile oo dowladda Imaaraadka ay ka dejisay magaalada Kismaayo, kuwaas oo la sheegay inay bilow u yihiin qorshe uu Imaaraadku saldhigga militeriga uga furanayo Soomaaliya, gaar ahaan qeybo ka mid ah Jubbaland.

Hoos ka eeg sawirrada kulanka Aadan Madoobe iyo Safiirka