Mucaaradka Somaliland oo soo dhaweeyay magacaabistii uu sameeyay Xasan Sheekh

Hargeysa (Caasimada Online) – Mucaaradka Somaliland ayaa soo dhaweeyay magacaabista madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee madaxweynihii hore ee Galmudug Cabdikariim Xuseen Guuleed ugu magacaabay Ergayga arrimaha Somaliland.

Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka Ucid Faysal Cali Waraabe oo la hadlay warbaahinta gudaha ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay magacaabista Guuleed ee arrimaha Somaliland, xilli uu muddo hakad ku jiray wada-hadalada labada dhinac.

Guddoomiye Waraabe ayaa waxa uu sheegay in Ergayga uu madaxweyne Xasan Sheekh usoo magacaabay Somaliland uu wax badan ka soo shaqeeyay gudaha Somaliland, gaar ahaan arrimaha bini’aadannimada.

“Cabdikariim Xuseen Guuleed waa nin aad saaxiib u nahay oo iskugu nimid wada-hadaladii Somaliland iyo Soomaaliya. Waa nin qiimo leh oo Somaliland hore u yimid,” ayuu yiri Guddoomiye Faysal Cali Waraabe.

Sidoo kale waxa xusay in Cabdikariin Guuleed uu kaalin ku lahaa wada-hadalladii dhex-maray Soomaaliya iyo Somaliland oo ka dhacay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga Jannaayo 19, 2014-kii.

“Wax badan oo heshiis ku aheyn wada-hadalladii ay nala galeen dowladdii Xasan Sheekh oo markii uu yimid Farmaajo la baabi’iyay ayaa dooneyna in aan ka wada-hadalno. Waa in wixii aan ku heshiinay iyo waxa wada qabsan karnaba marka hore ka wada-hadalno.”

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay Madaxweynihii hore ee Galmudug Cabdikariim Xuseen Guuleed u magacaabay Ergayga arrimaha Somaliland.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si deg deg u faray Ergayga in uu diiradda saaro sidii loo ambaqaadi lahaa wadahadallada Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland.

Cabdikariin Guuleed xiligii uu ahaa wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya ay si degan oo la rajeynayey in laga mira-dhaliyo ay ku socdeen wadahadaladii Soomaaliya iyo Somaliland oo hakaday markii ay xukunka wareejiyeen Xasan Sheekh iyo xulufadiisii xiligaas.