Daawo: Cali Jeyte oo laba khatarood oo waaweyn uga digay dadka reer Hiiraan

Beledweyne (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa digniin u diray dadka reer Hiiraan, gaar ahaan bulshada ku nool magaalada Beledweyne, isagoo uga digaya laba khatarood.

Khatarta koowaad ee Cali Jeyte uu ka digay waa fatahaad laga cabsi qabo in wabiga Shabeelle uu ka geysto magaalada Beledweyne iyo qeybo kale oo ka tirsan gobolka Hiiraan.

Guddoomiye Jeyte wuxuu sheegay in digniino culus oo khatarta fatahaadda ku saabsan ay ka soo gaarayaan dhanka dalka Itoobiya oo wabiga Shabeelle uu ka soo burqado.

“Reer Hiiraan iyo guud ahaan reer Hirshabeelle waxaan u sheegayaa in dhulka uu maro wabiga Shabeelle ay naga soo gaarayaan farriimo digniin ah, dhinaca dowlad deegaanka Soomaalida ayey naga soo gaarayaan digniinahaas,” ayuu yiri Cali Jeyte.

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan ayaa carrabka ku adkeeyey in uusan ku talineyn in hadda laga sii qaxo Beledweyne iyo goobaha kale ee fatahaada uu ka geysan jiray wabiga Shabeelle, balse uu dadkiisa ugu baaqayo inay feejignaadaan.

Farriinta labaad ama khatarta labaad ee Cali Jeyte uu ka digay waa dhagarta Al-Shabaab, isagoo dadka reer Hiiraan ugu baaqay inay u diyaar garoobaan dhagarta uga imaan karta kooxdaas ay dagaalka adag la galeen.

“Waxaan ku war gelinayaa dadka reer Hiiraan inay u diyaar garoobaan cadowga dhagarqabaha ah ee dagaalka ba’an ay la galeen, hadda waxaan ku jirnaa qorshihii ugu dambeeyey ee lagu ciribtiri lahaa, waxaana ku amaanayaa ciidamada geesiyaasha ah ee u diyaar garoobay soo afjaridda cadowgaas,” ayuu yiri Cali Jeyte.

Digniintaan ka soo yeertay guddoomiye Cali Jeyte ayaa ku soo aadeysa iyadoo dalka uu ka curtay roobka Guga, isla markaana digniino badan laga soo saarayo fatahaado ay geystaan wabiyada mara Soomaaliya.

Dhawaan wabiga Jubba ayaa fatahaad ka geystay magaalada Baardheere ee gobolka Gedo, halkaas oo in ka badan 10 qof ay fatahaaduhu ku dileen, sidoo kale xoolo iyo guryo ayuu baabi’iyey wabiga Jubba oo fatahaad ka geystay gobolka Gedo.

Hoos ka daawo Cali Jeyte