Sawirro: Cabdi Xaashi oo arrimaha Somaliland kala hadlay ergeyga cusub

Muqdisho (Caasimada Online) – Cabdikariin Xuseen Guuleed oo Madaxweyne Xasan Sheekh uu u magacaabay Ergeyga arrimaha wadahadallada Soomaaliya iyo Somaliland ayaa hoygiisa ugu tegay guddoomiyaha Aqalka Sare ee BFS Cabdi Xaashi Cabdullahi oo Somaliland ka soo jeeda.

Cabdikariin Guuleed ayaa sheegay in kulankaas uu qeyb ka yahay wadatashiyo taxane ah oo uu la yeelan doono masuuliinta dowladda iyo qeybaha bulshada.

Guuleed ayaa bilaabaya fikrado uruurin ku aadan ka gungaaridda geedi socodka wadahallada Soomaaliya iyo Somaliland ee loo igmaday, waxaana laga doonayaa inuu xal dhab ah ka keeno arrimaha is diidan ee labada dhinac.

Guddoomiye Cabdi Xaashi oo ah ruugcadaa aad looga jecelyahay koonfurta Soomaaliya, kana soo jeeda Somaliland ayaa ergeyga cusub la wadaagay sooyaalkii taariikheed ee labada gobol ee waqooyi iyo koonfur – Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Arrimaha kulankaan lagu gorfeeyey waxaa ka mid aha aka sheekeynta taariikhda midnimadii la yagleelay sanadkii 60-kii iyo talooyin ku aadan waxa maanta la gudboon ee laga doonayo xafiiska Ergeyga gaarka ah ee dowladda federaalka Soomaaliya ay u igmatay arrimaha Somaliland.

Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa uga mahad celiyay gudoomiyaha Aqalka Sare xogtii iyo talooyinkii uu siiyo, kuwaas oo Guuleed uu ku tilmaamay “dhaxalgal.”

Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa garwadeen ka noqonaya midnimo ama kalago’ wixii ay isku afgartaan Soomaaliya iyo Somaliland oo hadda habayaraateen wax un wadahadal ah aysan u socon.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa habeen ka hor ku dhawaaqay in ergaygaan, Cabdikariin Guuleed ayaa xilligii uu Soomaaliya ka ahaa wasiirka arrimaha gudaha waxa uu soo bilaabay wadahadallada labada dhinac, in kastoo markii dambe ay fashilmeen, kadib markii dowladdii uu hoggaaminayey Farmaajo ay ku guul-dareysatay inay sii wado wadahadallada Somaliland.