Daawo: Muxuu ahaa ujeedka SHIRKA uu xalay guddoomiyay Madaale?

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, Ahna duqa magaalada Muqdisho, Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa xalay guddoomiyay kulan gaar ah oo ka dhacay xarunta taliska guud ee qaybta gobolka Banaadir.

Shirkaan oo ahaa mid ballaaran ayaa waxaa ka qayb-galay guddoomiye ku xigeenka amniga siyaasadda ee gobolka Banaadir, guddoomiyeyaasha maamullada degmooyinka, taliyaha booliska gobolka Banaadir iyo kuwa saldhigyada booliska ee degmooyinka.

Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda gobolka Banaadir, Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) oo kulanka kadib la hadlay warbaahinta ayaa faah-faahin dheeraad ah ka bixiyay kulankan oo uu jeedkiisa ku sheegay inuu ku saabsanaa is barasho, maadaama todobaadkii hore taliyeyaal cusub loo magacaabay qaybaha booliska ee gobolka Banaadir iyo kuwa saldhigyada degmooyinka.

“Waxaa halkan ka dhacay shir ay isugu yimaadeen maamullada degmooyinka gobolka Banaadir dhammaantood iyo saraakiisha Booliska, waxaa looga hadlaayay amniga Muqdisho iyo sidii ay isku baran lahaayeen taliyeyaasha lasoo magacaabay,” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray in inta uu socday shirka diiradda lagu saaray ammaanka guud ee caasimada, isla-markaana la’is dhaafsaday xogo badan oo la xiriira amniga.

“Waxa uu ahaa kulan aad iyo aad u qiimo badan oo wax badan la’is dhaafsaday,” ayuu sii raaciyay guddoomiye Yabooh.

Ugu dambeyn wuxuu boggaadiyay ciidanka Booliska iyo kuwa NISA ee haatan howlgallada ka wada degmooyinka gobolka Banaadir, isaga oo tilmaamay in guul laga gaaray.

“Sida aad ogtihiin maalmihii u dambeeyay magaalada Muqdisho ammaankeeda aad iyo aad ayuu usoo hagaagayay ilaahbaa mahad leh waqti iyo juhdi ayaana lagu bixiyay, waxaan aad iyo aad u amaanaa ciidanka booliska iyo kuwa NISA sida ay u wada shaqeeyeen” ayuu markale yiri guddoomiye ku xigeenku.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan caasimada ay ka socdaan howlgallo looga hortagayo weerarada Al-Shabaab, laguna dagaalamayo burcadda iyo ciyaal-weerada.