DF oo war cusub kasoo saartay khilaafkii ka taagnaa…

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa war cusub kasoo saartay khilaaf ka taagan xiriirka kubadda cagta.

Labada garab ee isku haya xiriirka kubadda cagta ayaa magaalada Muqdisho ku qabsaday laba doorasho oo iska soo horjeeda, ayada oo laba garab mid walba iskii u doortay guddoon.

Wasiirka Dhalinyarada iyo Isboortiga Maxamed Barre ayaa sheegay in xal laga gaaray khilaafkii xiriirka kubadda cagta Soomaaliya, kaasi oo ka dhashay doorashadii hoggaanka xiriirka.

“80% is-afgarad ayaa laga gaaray khilaafkii ka dhashay doorashadii hoggaanka doorashada xiriirka kubbada cagta Soomaaliay,” ayuu yiri Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Barre.

Waxa uu sheegay in Cali Shiino uu yahay guddoomiyaha rasmiga ah ee ay aqoonsan yihiin, isaga oo wasiirku xusay in dhawaan la qaban doono xaflad la isugu keenayo dhinacyada isku haya xiriirka, “si guud ahaan loo dhameeyo khilaafkii muddada ka jiray xiriirka.”

Sidoo kale waxa uu sheegay inay  diyaarinayaan siyaasadda qaran ee Isboortiga dalka, taasi oo uu sheegay inay hagayso isboortiga dalka, si looga baaqsado khilaafyada inta badan ka dhasha arrimaha la xiriira.

Cali Shiino ayaa kamid ahaa guddoonka bishii Febraayo ay labada garab ku doorteen magaalada Muqdisho iyo Aadan Xaaji Yabarow Wiish, oo labaduba isku haystay hoggaanka doorashada xiriirka.

Khilaafka ka taagna xiriirka iyo doorashooyinkii iska soo horjeeday ee dhacay ayaa mugdi galisay mustaqalka xiriirka kubadda cagta Soomaaliya, inkasta oo haatan ay muuqato in wasaaraddu ay isku soo dhaweysay dhinacyadii is-hayay, si hoggaan mid ah u yeesho xiriirka.