Puntland oo ka hortimid magacaabista Guuleed, kuna tilmaamtay ‘mid dulmi ah’

Garoowe (Caasimada Online) – Dowlad-goboleedka Puntland ayaa si adag uga hortimid magacaabista madaxweyne Xasan Sheekh uu shalay sameeyay ee Cabdikariin Xuseen Guuleed ugu magacaabay ergayga arrimaha Somaliland.

Puntland ayaa wax laga xumaado ku tilmaamtay magacaabidda ergayga arrimaha Somaliland, iyada oo ku doodey in xilligeeda la joogin magacaabistabuu sameeyay madaxweynaha Soomaaliya.

Wasiirka Warfaafinta Puntland Maxamuud Caydiid Dirir oo arrintaan ka hadlay ayaa waxa uu sheegay in tallaabada uu qaaday madaxweynaha lagu dulminayo xuquuqda gobollada SSC, oo xilligaan ay is-hayaan xukuumadda Somaliland.

“Maanta waxaa u baahan in xuquuqdooda la ilaaliyo dadkii ku noolaa magaalada Laascaanood ee guryahoodii laga barakaciyay oo in ka badan 80,000 ay Itoobiya u barakaceen oo ay geedaha hoostooda ku jiraan,” ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta Dowlad-goboleedka Puntland Maxamuud Dirir.

Wasiirka ayaa waxa kale oo uu sheegay in madaxweynaha Soomaaliya xilligaan oo dagaal ka socdo xarunta gobolka Sool ee Laascaanood looga fadhiyay magacaabidda ergayga arrimaha bini’aadinnimo ee dadka ku barakacay colaadda ka taagan gobolkaasi.

“In aad u magacowdid (madaxweyne) ergay gaar ah oo beesha caalamka kala shaqeeya isku dubaridka gargaarka looo fidinayo dadkaas, si ay guryahoodii ugu noqdaan ayay aheyd maanta oo lagaga fadhiya,” ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta Puntland.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Sabtidii Madaxweynihii hore ee Galmudug Cabdikariim Xuseen Guuleed u magacaabay Ergayga arrimaha Somaliland.

“Cabdikariim Xuseen guuleed ayaa khibrad wanaagsan u leh arrimaha dib u heshiisiinta, xallinta khilaafaadka iyo marxaladihii kala duwanaa oo ay soo mareen wadahadallada Dowlad Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland,” ayaa lagu yiri dikreetada ka soo baxday Villa Somalia.

Si kastaba, Puntland ayaa hore qiil uga dhigatay Somaliland, oo ay sheegtay in aan dastuurka la dhameystiri karin illaa laga keenayo Somaliland, kadib markii ay ku dhawaaqday inay u dhaqmeyso sidii dowlad madax-banaan oo kale.