32.9 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Milkiilayaasha hoteelada ha la ciqaabo

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Mar kasta oo masiibo ama weerar argagixiso ah dhacdo, waxaa had iyo jeer jira su’aalo badan oo la is weydiiyo. Tusaale ahaan su’aalaha la iska weydiinayo qaraxii ka dhacay Central Hotel ee ku yaala magaalada Muqdisho oo ay dad badan ku dhinteen, kuwa kalena ku dhaawacmeen waxaa ka mid ah: Sideey ku dhacday meel Mas’uuliyiintii waddanka isugu imaanayaan in aan amaankoodii la adkeyn? Sideey ku dhacday in ilaaladii mas’uuliyiinta, ciidamada dowladda iyo kuwa hoteelkaba aysan muujin feejignaan dheeraad ah iyo baaris dhab ah ka hor inta aysan mas’uuliyiinta imaan iyo intii ay joogeenba ayadoo la wada ogsoon yahay qaraxyadii dhawaan lala beegsaday hoteeladii kale sida SYL Hotel iyo marxalladda guud ee waddanku ku jiro?.

Milkiilayaasha hoteelada waxaa waajib ka saaran yahay in ay xaqiijiyaan amaanka dadka ku sugan hoteeladooda. Waa in ay la socdaan dhammaan dhaqdhaqaaqa shaqaalaha iyo dadka kaleba. Waa in ay shaqaaleysiiyaan dad la yaqaano taariikhdoodii hore, lehna akhlaaq iyo tixraac wanaagsan. Milkiilayaasha hoteelada waa in ay la socdaan oo ay ogyihiin qatarada u imaan kara si ay uga hortagaan. Dhammaan shaqaalaha hoteelada waa in la siiyaa tababaro la xiriira qatarada amaanka, sidii looga hortagi lahaa dhibaatooyinka iyo haddii ay wax dhacaan sidii loo wajihi lahaa ama looga jawaabi lahaa. Waa in shaqaaluhu garan karaan dhaqdhaqaaqyada u muuqda ama dhalin kara shakiga (suspicious behaviours) soona sheegaan wax alaale wixii ay ka shakiyaan si looga hortago dhib badan oo dhici lahaa.

Tan kale, hoteelada kaliya kuma filna sugidda amniga. Hay’adaha Amaanka waa in ay dhisaan koox ama waax khaas ah (specialsit liaison units) oo la shaqeeya hoteelada, xarumaha ganacsiga iyo goobaha lagu caweeyo si loo yareeyo weeraran oo kale, loolana socda dhaqdhaqaaqyada jira. Sidoo kale hoteelada waxay u baahan yihiin in ay wada shaqeeyaan oo ay is dhaafsadaan xogta si arrintaas loo gaarana waa in sameystaan urur ay ku mideysan yihiin (hotel security association) oo ka talo siiya arrimaha amniga iyo dhammaan qatarada ku imaan kara hoteelada iyo sidii ay ugu diyaargaroobi lahaayeen in ay ka hortagaan.

Arrintu si kastaba ha ahaatee, milkiilihii ama maamulkii aan ka soo bixin waajibkiisa waa in la marsiiyaa talaabo sharciga waafaqsan. Waa fadeexo in dowladda iyo milkiilayaasha hoteeladuba xil weyn iska saarin amaanka macaamiishooda oo aysana maalgelin ku suubin qalabyadii ugu dambeeyay ee looga hortagi karo waxyaalaha qarxa.

Hoteelada Muqdisho uma baahna kaliya baabuur buutkiisa la fiirsho, qalabka gacanta ee dadka lagu baaro iyo mashiinada ay dadku dhex maraan ( Hand held metal detectors and walk-through metal detectors) ee waxay u baahan yihiin qalabyo casri ah oo fudud, gacanta lagu qaadan karo kuuna sheegaya qofka ama baaburka wata waxyaalaha qatarta ah sida walxaha qarxa iyo sunta kiimikada ah ( Explosives, chemical agents and toxic industrial chemicals).

Ugu dambeynii, amnigu waa nolosheena, nololna ma jiri karto haddii aysan amni jirin sidaas darteed qof kasta oo muwaadin ah waxaa waajib ku ah in uu ka qeybqaato amniga oo uusan ku haleyn kaliya Hay’adaha Amniga. Anaga ayaa indho iyo dhego u ah, la’aanteenana wax ma arki karaan, wax ma maqli karaan, waxna ma qaban karaan.

W/Q. Said Hassan (Careys)
[email protected]

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

- Advertisement -

Read more

Local News