Millateriga ITOOBIYA oo sii huriyey xiisadda xooggan ee kala dhaxeysa MASAR

Hargeysa (Caasimada Online) – Milletariga dowladda federaalka Itoobiya ayaa markale ka hadlay xiisada kala dhaxeysa dowladda Masar ee salka ku haysa muranka biyo-xireenka ee dowladooda ka sameysatay webiga Nile-ka.

General Berhanu Jula, Taliye ku-xigeenka guud ee ciidammada Milletariga ee Itoobiya, oo sidoo kalena ah Madaxa howl-gelinta ciidammada Itoobiya ayaa si adag u sheegay in Masar ay wado daan-daansi aysan mahdin doonin.

Jula ayaa ku doodaya in dowladda Itoobiya ay mulkiyada webiga leedahay, maadama uu maro dalkeeda, taasi oo dab kusii qabaneysa xiisada kala dhaxeysa Masar, oo iyadu kasoo horjeeda dhaq-dhaqaaqa ay ka waddo webigaasi.

“Webiga Nile-ka, mulki ahaan cidda iska leh waa Annaga (Itoobiya) inuu dal kale iska soo boodo oo uu lahaanshiyihiisa sheegto dhicimayso, Lahaanshiyaha Itoobiya ee webiga way caddahay” ayuu yiri Generaal Berhanu oo u waramayay warbaahinta gudaha.

Jeneraalka ayaa sidoo kale sheegay in dowladda Masaaridu ay ku guul-dareysatay isku dayo badan oo ay ku rabto inay ku hakiso wajiga koowaad ee biyo-xireenka Itoobiya, isagoona carabaabay dar-darta cusub ee xiriirka Masar la sameysatay Somaliland.

“Masaaridu si kasta oo ay dagaal isugu dayaan ka macaashi maayaan. Imaanshiyaha Masaarida ee Mandaqadda, gaar ahaan Somaliland waa isku daygii ugu dambeeyay ee lagu hakinayey wejiga koowaad ee buuxinta Biyo-xidheenka, taasna way ku fashilmeen, maadama Somaliland mowqifkeeda ay caddaysay”.

Hadalka Jeneraalkan ayaa imanaya xili dhawaan lagu kala kacay wada-hadallo u socday Itoobiya iyo Masar oo ay qeyb ka aheyd Sudan, kadib markii la isku fahmi waayay arrinta biyo-xireenka ee webiga Niilka buluug ah oo sii xoogeysaneysa.