Sawirro: DF oo maamulka G/BANAADIR usoo celisay awood muddo ka maqneyd

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah Guddoomiyaha gobolka Banadir ugu wareejisay mas’uuliyadda maamulka waxbarashada caasimadda, oo ay hore gacanta ugu haysay wasaaradda waxbarashada dalka.

Tallaabadan ayaa imaneysa kadib markii uu dhawaan is-afgarad uu dhexmary guddoomiyaha gobolka banaadir iyo wasaarada waxbarashada oo iyadu markii hore gacanta ku haysay maamulkeeda.

Is-afgaradka uu maamulka gobalku kula wareegay waxbarashada caasimadda ayaa ah mid waxbarashada loogu daadejinayo heer gobol, iyada oo laga duulayo nidaamka federaaleynta sida ku cad Dastuurka dawladda federaalka qodobada 51-aad iyo 52-aad oo tilmaamaya iskaashiga dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada.

Sii hayaha Wasiirka waxbarashada dalka ee iyo Guddoomiyaha gobalka Banaadir oo hadal ka jeediyay munaasibada wareejinta ayaa si wada-jir ah u sheegay in tallaabada maanta ay muhiimad gaara u leedahay bulshada gobolka, taasi oo qeyb ka ah tayeynta waxbarashada.

Waxayna mas’uuliyiintaasi hoosta ka xariiqeen in dowladda Farmaajo ay dadaal xooggan ku bixisay tayeynta heerka waxbarasho ee dalka, iyo weliba daadejinta hanaanka loo maamulo waxbarashada.

Sidoo kale, sii-hayaha ra’iisul wasaaraha dalka, Mahdi Guuleed oo isaguna goobtaasi ka hadlay ayaa dar-daaran dheer u jeediyay maamulka gobolka banaadir oo maanta si rasmi ah loogu wareejiyay waxbarashadii gobolka, isagoona ku tilmaamay guul weyn oo dhanka daadejinta maamulka waxbarashada.

Maamulka gobolka Banaadir ayaa hadda kadib awood buuxdaa u yeelanaya sida maamulada kale ee dalka, inuu gacanta ku hayo maamulka waxbarashada caasimada oo markii hore ay gacanta ku haysa wasaarada waxbarashada dalku.