25.4 C
Mogadishu
Friday, October 24, 2025

Miyuu Shariif Xasan kaalin ku lahaa guuldaradii Xasan muxuuse siyaasiyiinta kale uga duwan yahay?

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Shariif Xasan Shiikh Aadan waa siyaasi aan inta badan ku fashilmin waxyaabaha uu damco inuu sameeyo wuxuu siyaasadda dalka kasoo qabtay jagooyin kala duwan isagoo soo maray weliba marxalado kala ad adag.

Hadda waa madaxweynaha   maamulka Koonfur Galbeed, markii hore intii ay socotay ololaha doorashooyinka wuxuu damacsanaa in Baydhabo ay noqoto madaxweynaha cusub ee Soomaaliya isla markaasna aysan qaadan jagaada guddoomiyaha Baarlamaanka.

Shariif Xasan ayaa bilaabay ololihiisa isagoo baarlamaanka koonfur Galbeed ku qanciyey inuu madaxweynimo isku soo sharaxo isagoo aanan iska casilin xilkiisa wayna ka aqbaleyn maadaama uu yahay siyaasi ku fiican ka dhaadhacsiinta markii uu u sheegay inaysan u qalmin in mar kasta ay qaataan Guddoomiye Baarlamaan.

Halkaas ayuu kasoo bilaabay dagaal u galayo sidii aysan beeshiisa u noqon guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya si ay isugu soo sharaxaan xilka madaxweynimo haddii ay waayaana ay helaan Ra’isulwasaare.

Siyaasadaas waxaa ka horyimid dowladda Itoobiya iyo dowladii waqtigeeda dhamaaday ee Xasan Shiikh Maxamuud tasoo ugu dambeyntii keentay in shariif Xasan looga yeero dalka Itoobiya isla markaasna loo sheego inuu iska dhaafo sheekadaan uu damacsan yahay.

Markii la gaaray doorashadii guddoomiyaha baarlamaanka waxaa xilkaas ku guuleystay oo mar kale noqday Guddoomiye Baarlamaanka Prof. Jawaari oo ay isku gobolka kasoo jeedaan Shariif oo markii horeba loo saadaalinaayey.

Muxuu Siyaasyiiinta uga duwan yahay:

Shariif Xasan waa nin caqli badan sidoo kalana yaqaan meesha siyaasadda ku dhamaaneyso, kuna darso xisaabta waa nin yaqaan guul iyo guuldaro, maalinta ay siyaasadda dhiniciisa usoo dhacdo si fiican ayuu u maamushaa markii laga guuleystana wuxuu raadiyaa wadooyin kale.

Shariif Xasan midda ugu weyn oo uu siyaasyiinta ugu duwan yahay waa inuusan inta badan saxaafadda la wadaagin mowqifkiisa, waxa uu damacsan yahay iyo cidda uu la safan yahay.

taas badalkeeda wuxuu si hoose  u sameeyaa qanjaruufada uu damacsan yahay inta badan waa nin ka adag maamulkiisa iyo dhanka uu siyaasadda majaraha uga hayo.

Shariif Xasan oo ay siyaasiyiinta qaar u bixiyeen (Shariif Sakiin) oo ay ula jeedaan inuu siyaasadda si lama filaan ah wax uga badalo sida sakiinta ay kadis wax u jarto,  ayaa dhawaan mar kale muujiyey awoodda uu leeyahay iyo sida uu dadka wax uga dhaadhacsiin karo markii uu meel iska saaray mooshinkii ay baarlamaanka Koonfur Galbeed ka keeneyn.

Wuxuu kulamo gaar gaar ah la yeeshay xildhibaanada isagoo u sheegay inuusan jirin nin maanta kaga fiican  maamulidda Koonfur Galbeed sidaasna ay lagama maarmaan u tahay inay ilaashadaan oo ay iska dhaafaan mooshinka wayna ka aqbaleyn intoo badan inkastoo qaar kamid ah  ay weli  mooshinka wadaan.

Waa Nin ku fiican Aarsiga

Sidoo kale Shariif Xasan waa nin ku fiican sida loo aarsado siyaasad ahaan, dadka wax falanqeeyo ayaa tilmaamayo in Shariif uu qeyb ka ahaa guuldaradii Xasan Shiikh Maxamuud maadaama uu xasan ka shaqeeyey inuu Jawaari mar kale noqdo Gudoomiyaha Baarlamaanka taaso jab weyn ku aheyd Shariif Xasan.

Inkastoo uu shariif culeys weyn iyo hanjabaad kala kulmayey Itoobiya haddana taas kama aysan celin inuu siyaasad ahaan u aarsado isla markaas uu si hoose dharbaaxo lama filaan ah ugu dhufto Xasan.

Markii Xasan laga guuleystay shariif dadka u dhaw dhaw ayaa xaqiijinayo inay u aheyd habeyn weyn oo farxad ah isagoo aan xataa uga tacsiyeen Xasan guuldaradii ku dhacday.

Ugu dambeyntii siyaasigaan ayaa lagu tiriyaa inuu kamid ah yahay dadkii ugu saameynta badnaa siyaasadda Soomaaliya tan iyo markii uu kusoo biirayna wuxuu noqday nin ka qeyb qaato isbadalka ka dhacayo dalka.

Haddaba fikirkaaga hoos nagula wadaag iyo sida aad u aragto siyaasadda Shariif Xasan Shiikh Aadan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News