Somaliland oo jawaab kulul siisay dowladda Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka Somaliland ayaa ka jawaabay hadalkii shalay kasoo yeeray hanti dhowrka qaranka Soomaaliya oo uu kaga hadlay arinta Berbera.

Maamulka Somaliland ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay fara gelin qaawan ku heyso arimaha deegaanada Somaliland.

Waxaana sidoo kale lagu eedeeyay dowladda Soomaaliya inay dagaal ka dhex abuureyso shacabka ku dhaqan deegaanada maamulkaasi.

Waxay sheegtay in Soomaaliya uusan quseyn heshiiskaasi oo ay wada galeen maamulka Somaliland iyo Imaaraatka carabta.

Hadalka Somaliland ayaa imaanaya iyadoo dowladda Soomaaliya la sheegay inay lug lahaayeen shaqsiyaad ka tirsan heshiiska dekada berbera lagu bixiyay in saldhig laga sameeyo.

Heshiiskaasi ayaana dhigaya in muddo 25 sano ah saldhigaasi uu imaaraatka ku lahaayeen dekada magaalada berbera.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com