Jubbaland oo qorsho cusub la damacsan garoonka weyn ee Kismaayo

Kismaayo (Caasimada Online) – Maamulka Jubbaland ayaa wada qorsho lagu ballaarinaayo Garoonka Diyaaraddaha Magaladda Kismaayo.

Mas’uuliyiinta maamulka ayaa sheegay in Garoonka lagu kordhin doono qeybo cusub, isla markaana la dhigi doono qalab loo adeegsan doono amniga iyo koontaroolka diyaaradaha ka dega Garoonka.

Dhismaha Garoonka ayaa la gaarsiin doonaa meelo fog, waxaana sidoo kale la qorsheynayaa in halkaa mar qura ay ka degi karaan diyaarado dhowr ah.

Qeybaha Garoonka lagu biirin doono ayaa waxaa kamid ah Xaruntii UN-ka ay horay u daganayeen ee Garoonka Diyaradaha Kismaayo oo hadda ay ka Guureen, taas oo dhammaan qalabkii yalay lagu wareejinaayo maamulka Garoonka Diyaradaha Kismaayo.

Qalabka ka hortaga amni darida ayaa sidoo kale la dhigi doonaa dhammaan goobaha laga galo iyo kuwa laga baxo, iyadoo ujeedka uu yahay horumarin la sheegay in lagu sameynaayo Garoonka Kismaayo.

Garoonka diyaaradaha oo la dhisay xiligii xukuumadda Maxamed Siyaad Bare ayaa maalin kasta waxaa ku soo dega, kana duula diyaarado ka kala yimaada dhammaan goboladda Soomaaliya iyo caasimadda Muqdisho.

Sidoo kale, waxaa garoonka maalinle u adeegsada ciidamada Kenya ee xarunta ka samaystay garoonka. Garoonka ayaa haatan noqday habka ugu fudud ee aad ku gaari kartida Magaaladda kismaayo.

Dhinaca kale, Ballaarinta Garoonka Kismaayo ayaa waxaa ka qeybqaadan doona dowladaha Ethiopia, Imaaraadka iyo Kenya oo maamulka horay ugu ballanqaaday is bedel lagu sameeyo Garoonka weyn ee magaalada.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
Caasimada@live.com