Akhriso liiska ganacsato caan ah oo ay xabsi dhigeen ciidamada Ahlu-Sunna

Cadaado (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa Ganacsato dhowr ah oo lagu xirxiray Degmada Dhuusa mareeb ee Xarunta Gobolk galgaduud.

Ganacsatadan ayaa u xiran maamulka gobolada Dhexe ee Ahlusuna, waxaana la xaqiijiyay inay u badan yihiin haween.

Xariga Ganacsatada ayaa la xiriira kadib markii ay diidmo ka muujiyeen lacago badan oo la weydiiyay, taa oo lagu sheegay canshuur.

Ganacsatada ayaa diidmo ka muujisay lacagahaasi oo aad u badnaa waxaana xusid mudan inay ku jirto Gudoomiyaha ururka haweenka degmada Dhuusa mareeb.

Ganacsatada la magacaabay ayaa waxaa kamid ah:

1-Ruqiyo Macalin Axmed

2-Sahro Xasan Cabdi

3-Siraad Jirde Faarax oo ah Gudoomiyaha Ururka Haweenka Dhuusa
Mareeb

4-Sagal Cilmi Xersi

5-Safiyo Xersi Wanaagsan

6-Shuri Wadaad Yare

7-Shukri Sheekh Axmed

8-Goodax Maxamed Maxamuud

9-Istaahil Dhiijaan

Maamulka Ahlusuna ayaa deysmada Ganacsatadan ku xiray bixinta dhaqaalaha la sheegay inuu yahay Canshuurta ee lagu xakumay bixinteeda.

Caasimada Online
Xafiiska Cadaado
Caasimada@live.com