Muqdisho (Caasimada ONline) – Ororyahanka reer UK, asal ahaanna kasoo jeeda dalka Soomaaliya ayaa si qiiro leh kaga hadlay abaaraha ka jira dalka Soomaaliya.
Orodka Sir Mohamed farah ayaa ka hadlay caruurta la ildaran nafaqo darada, wuxuuna bogaadiyay hay’adaha kala duwan ee ka qeyb qaadanaya dhibataada Soomaaliya ka taagan.
Muuqaal uu duubay Mo-Faarax ayaa lagu baahiyay warbaahinta waaweyn ee caalamka, waxaana uu diirada ku saarayay in dunida looga baahan yahay caawinaad iyo feejignaan dheeri ah.
“Waxaana Bixin doonaa Dhaqaalo badan oo loogu tala galay Carruurta ay Saameeyeen Abaaraha ee ku sugan Soomaaliya dadka dunida waxaana ugu baaqaya in ay feejignaadaan oo ay Muujiyaan dadaal badan” ayuu yiri Mo Faarax.
