25.4 C
Mogadishu
Saturday, July 12, 2025

Daawo: Moole, Joojole, Jeex iyo Banyaa oo la horgeeyay Maxkamadda Ciidamada

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Ciidamada Qalaba Sida ayaa waxaa maanta la horgeeyay kiiska afar arday oo dhowaan jirdil xooggan u gaystay macallinkooda oo ku qabtay qish, intii lagu guda jiray imtixaanka shahaadiga dowladda ee sanadkaan.

Maxkamadda Ciidamada ayaa waxaa kasoo muudqday Mucaad Cabdikariin Cismaan (Moole), Cabdullahi Axmed Jimcaale (Joojole), Abuukar Ismaaciil Xasan (Banyaa) iyo Cabdiraxmaan Jeex oo maqane ah, kuna eedeysan inuu dambigan wax ka gaystay.

Laba kamid ah eedeysanayaasha ayaa ah ciidan, waxayna ka kala tirsan yihiin Nabad-sugidda iyo Danab, taas oo u sashahay in falka ay u adeegsadeen bistood ay ku weerareen Macalinka, markii uu soo dhamaaaday imtixaanka shaahadiga ee dugsiga sare.

Dhibane Macallin Xasan Sheekh Maxamed oo kahor hadlay Maxkamadda ayaa sheegay in eedeysanaha koowaad oo ah Mucaad Cabdikariin Cismaan (Moole) uu ka qaaday xilligii imtixaanka taleefoon uu u adeegsanay qish, taas oo keentay in laga kansal gareeyo laba maado, kadibna isaga iyo koox kale ay sidaas weerar hubeysan ugu soo qaadeen.

“Aniga korjoogto ayaan ka ahaa imtixaanka, Mucaad fasalkiisa laba mar ayaan soo galay, waxaana labadii mar ka qaaday taleefoon, markii aan ka qaaday wuu ila hadlay, wuxuna igu yiri si hoose ii xalli aniga waan ka diiday, kadib waxaa ku xigay dhacdada” ayuu yiri Macalinka.

Mucaad Moole oo isna hadalka qaatay ayaa qirtay jirdilka uu u gaystay Macallinka Xasan, balse waxa uu ku dooday in ujeedkiisu aanu ahayn inuu dilo, xabaddana uu kor u riday.

“Macallinka ayaa is gaarnay annaga oo galeynay Exam dowladeed laba maado ayuu igu kansal gareeyay kabacdi waa is qabanay, xabadda aan riday buuq ayaa meesha ka jiray darteed ayaan u riday, garaafada aan gaarsiiyayna waa gacan (Feer).” ayuu yiri Moole.

Intaas kadib xeer ilaalinta oo soo bandhigtay caddeymo ay ku jiraan muuqaallo ay duubtay Kaamiro CCTV ayaa ka dalbatay Maxkamadda Ciidamada inay afarta eedeysane ku xukunto dhaawac iyo isku deyga dilka ah ee ay u gaysteen macallinka, si looga hortago in arrintan ay sii socoto.

Waxaa kale oo ay xeer ilaalintu soo jeedisay in Mucaad Moole iyo Cabdullaahi Joojole oo ka kala tirsan NISA iyo Danab laga saaro ciidanka, sababa la xiriira cabsi gelinta ay sameeyeen.

Ugu dambeyn waxaa fadhigga soo xiray Guddoomiye Xasan Cali Nuur (Shuute) oo sheegay in maxkamadda ay dib ka shaacin doonto go’aanka kama dambeysta ah ee kiiska loo haysto afarta eedeysane ee maanta la horgeeyay Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida.

- Advertisement -

Read more

Local News