Mooshin ka dhan ah Qoor Qoor miyaa ka socda Xamar?

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxtooyada Galmudug ayaa ka hadashay wararka sheegayo in mooshin ka dhan ah madaxweyne Qoor Qoor laga abaabulayo Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Cabdiweli Jaamac Barre oo ah Agaasimaha warfaafinta madaxtooyada Galmudug  oo wareysi siiyey Idaacadda Kulmiye ee Magaalada Muqdisho ayaa beeniyey in mooshin ka ah madaxweyne Qoor Qoor laga wado Muqdisho.

Agaasimaha warfaafinta madaxtooyada Galmudug ayaa xusay in madaxweyne Qoor Qoor uu magaalada Muqdisho kulamo kula qaatay xildhibaano ka tirsan labada Aqal ee baarlamaanka Soomaaliya iyo madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Cabdiweli Jaamac ayaa ujeedada kulamada uu Madaxweyne Qoor Qoor kula qaatay Magaalada Muqdisho xildhibaanada laga soo doorto Galmudug ku sheegay inay tahay tabasho la xiriirta Guddiga doorashada.

Agaasimaha ayaa beeniyay wararka sheegaya in mucaaradku ay cadaadis  saareen Madaxweyne Qoor Qoor iyo in mooshin ka dhan ah Madaxweynaha laga abaabulayo magaalada Muqdisho.

Saacadihii lasoo dhaafay waxaa baraha bulshada lagu baahiyey in Qoor Qoor laga wado mooshin xilka looga tuurayo,  kadib markii siyaasiyiinta mucaradka ah ay ka horyimaadeen xubnaha guddiyada doorashoyinka ee dhawaan uu soo magacaabay.

12 musharax oo u taagan qabashada xilka madaxweynaha Soomaaliya  ayaa qaadacay guudiyaada doorashooyinka ee magacaaban, kuwaas oo isugu jira heer federaal iyo heer dowlad goboleed, markii laga reebo Jubbaland iyo Puntland oo weli diidan soo magacaabidda xubnihii ku meteli lahaa guddiyadaas.

Madaxweyne Qoor Qoor ayaa la rumeysan inay ka hor yimaadeen inta badan xildhibaanada laga soo doorto Galmudug ee ku jira labada Aqal ee baarlamaanka federaalka, waxayna ku eedeeyeen madaxweynaha inuu guddiga doorashada kusoo daray xubno ka tirsan hey’adda NISA.

Hoos ka dhageyso wareysiga Agaasime Cabdiweli Jaamac