25.8 C
Mogadishu
Sunday, June 22, 2025

Mooshin laga gudbiyay gudoomiyaha baarlamanka HirShabelle iyo wasiiro ka shirsan arrintaasi

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Jowhar (Caasimada Online) – Xildhibaanada maamulka HirShabelle ayaa maanta Mooshin ka gudbiyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka kadib markii lagu eedeeyay inuu ka weecday howlaha horumarinta maamulka.

Xildhibaanada ayaa Mooshinka ka gudbiyay Guddoomiyaha xili ay ka doodayeen qodobo dhowr ah, iyadoo dooda kadib ay Xildhibaanadu gudbiyeen Mooshinka.

Xildhibaan Maxamed Qaasim Daqare ahna Wasiir ku-xigeenka Wasaarada Bey’adda Maamulka ayaa sheegay in Mooshinka la gudbiyay uu yahay mid ku saleysan howl gudasho la’aan iyo ku xadgudubka sharciyada maamulka.

Xildhibaanka waxa uu sheegay in Mooshinka lagu dalbaday xil ka qaadis lagu sameynaayo Guddoomiyaha Baarlamaanka, iyadoo ay codadka u qaadi doonaan Xildhibaanada.

Sidoo kale, Wasiiro ka tirsan maamulka ayaa kulamo degdeg ah ka yeeshay Mooshinka laga gudbiyay Guddoomiyaha Baarlamaanka, waxa ayna xooga isugu geynayaan sidii loo heli lahaa xal ka duwan Mooshinka.

Wasiirada xalka u raadinaaya Mooshinka ayaa garab u ah Guddoomiyaha Baarlamaanka, waxa ayna kulamo gaargaar ah la qaadanayaan Xildhibaanada.

Si kastaba ha ahaatee, Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa juhdi ku bixinaaya sida uu ku xalin lahaa Xildhibaanada Mooshinka kawada.

Caasimada Online
Xafiiska Jowhar
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News