Mooshin wadayaasha Koonfur Galbeed oo loo diray fariimo hanjabaad ah

Baydhabo (Caasimada Online) – Hogaamiyaha Maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Xubno si dhow ula shaqeeya ayaa la soo warinayaa inay u hanjabeen Xildhibaanada wada Mooshinka xilka looga qaadayo Hogaamiyaha maamulka.

Xildhibaanada ayaa sheegay in Moobiladooda loogu soo diray fariimo Hanjabaad ah, isla markaana loogu baaqay inay ka baxaan Mooshinka laga geeyay Hogaamiyaha maamulka Shariif Xassan.

Xildhibaanada Mooshinka ka wada Shariif Xasan Sheikh Aadan ayaa sheegay in 20-ka bishaan ay Baarlamaanka Maamulka horkeeni doonaan Mooshinka ay ka wadaan Hogaamiyaha Maamulka Koonfur Galbeed.

Xildhibaanada Mooshinka saxiixay ayaa tirro ahaan la sheegayaa inay kordheen waxa ayna iminka gaarayaa ilaa 70 Xildhibaan, halka tirada harsan ay ka biya diideen inay kamid noqdaan Mooshin wadayaasha.

Xildhibaanada loo diray fariimaha Hanjabaada ah ayaa sheegay in Hanjabaadaasi aysan uga weecan doonin Mooshinka ay wadaan waxa ayna ku goodiyeen in Hanjabaadaasi darteeda ay ku adkeysan doonaan Mooshinka.

Dhinaca kale, Hogaamiyaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa ku hingoobay la kulanka Xildhibaanada waxa ayna u muuqaneysaa inuu adeegsanaayo awoodiisa.

Caasimada Online
Xafiiska Baydhabo
Caasimada@live.com