Britain oo heshiis kala dhex dhigeysa Somalia, Ethiopia, Kenya iyo Uganda

London (Caasimada Online) – Dowlada Britain ayaa ku guuleysatay in Shir weynaha London ee looga hadli doono arrimaha Somalia ka qeyb galaan Madaxweynayaasha Ugandha Yoweri Kaguta Museveni, Kenya Uhurro Kenyatta iyo Ra’isul wasaaraha Ethiopia Hailemariam Desalegn.

Labada Madaxweyne iyo Ra’isul wasaaraha Ethiopia ayaa horay u diiday inay ka qeybgalaan Shirka ka furmi doona magaalada London kaa oo looga hadlaayo Arrimaha Somalia.

Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Britain, Boris Johnson, ayaa xaqiijiyay in Dowlada Britain ay ku guuleysatay in Kenya, Ugandha iyo Ethiopia ka qeybqaatan Shirka looga hadlaayo arrimaha Somalia, waxa uuna tilmaamay in diidmadii hore leysla soo dhaafay.

Boris Johnson waxa uu sheegay in laga soo gudbay diidmada ka qeybgalka Shirka waxa uuna cadeeyay in Britain ay isku geyn doonto Madaxweynayaasha Somalia Maxamed C/llahi Farmaaji, Yoweri Kaguta Museveni, Uhurro Kenyatta iyo Ra’isul wasaaraha Ethiopia Hailemariam Desalegn.

Boris Johnson, waxa uu sheegay in Shirkaasi uu noqon doono mid taariikhi ah isla markaana looga wada hadli doono wax waliba oo maslaxad u ah Somalia, iyadoo shir gaara loo qaban doono Madaxweynayaasha aan kor kusoo xusnay si meesha looga saaro is fahan’waaga.

Shirweynahaasi waxa uu daba joogaa Shirweynihii Caalamiga ee sannadkii 2013-kii lagu qabtay magaalladda London, oo looga hadlay Taageeradda Somalia.

Boris Johnson waxa uu amaanay Dowlada Ugandha, Ethiopia iyo Kenyanya Dadaalka ay ugu jiraan Nabadda Somalia, isagoo xusay inay Ciiddanka Uganda ee UPDF kaalin muhiim ah kaga jiraan Hawlaha Nabadda Somalia.

Geesta kale, 6,000 oo Askar Ugandese ah ayaa qeyb ka ah Hawlgalka AMISOM, kuwaasi oo ah Ciiddanka ugu badan ee hal dal ka socda ee qeybta ka ah Hawlgalkaasi.

Caasimada Online
Xafiiska London
Caasimada@live.com