25.1 C
Mogadishu
Tuesday, July 1, 2025

Mooshinka: Cabsi Sharif Xasan Sheikh laga qabo oo dalab yaab leh ka kentay xildhibaanada taageersan R/W SAACID

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan baarlamaanka federaalka Soomaaliya ka tirsan ayaa ka digay in kulanka Sabtida loogu codeynayo kalsoonida RW in ay jirto cabsi la xiriirta in xubno ka mid taageerayaasha Madaxweynaha ay codadka ku shubtaan.

Wuxuu xusay in ay jiraan xildhibaanno baarlamaanka ka tirsan oo ay horkacayaan Guddoomiyihii hore ee baarlamaanka Shariif Xassan & Caadil Sheegow oo ku taqasusay habka codadka looga shubto in ay ka shaqeynayaan arrintaas, wuxuuna ku baaqay in la helo goob-joogayaal caalami ah.

Xildhibaankan oo magaciisa qariyey wuxuu ka codsaday beesha caalamka, gaar ahaan dowladaha daneeya arrimaha Soomaaliya in ay goob-joogayaal u soo dirsadaan kulanka Sabtida.

“Dadka ololaha ku jira ee laga soo jiscimay Madaxtooyadda waxaa ka mid ah Guddoomiyihii hore ee baarlamaanka Shariif Xassan Shiikh Aadan & Caadil Sheegow Sagaar oo khabiir (Expert) ku ah sida codadka loogu shubto” ayuu yiri xildhibaanku, wuxuuna xusay in galaangalka xildhibaanadaasi ay dhici karta inuu saameyn ku yeesho shir-guddoonka, wuxuuna ka codsaneynaa beesha caalamka in ay dad u soo dirsato codeyntaasi.

“Haddii aan la helin observers waxey qorsheynayaan qolyaha mooshinka soo qoray in ay codadka xadaan” ayuu yiri xildhibaanku, isaga oo xusay in ay mooshinka laga soo abaabulay Madaxtooyada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News