“MOOSHINKA wuxuu marayaa jidkii in uu maro loogu tala galay” Waxaa yiri…

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Dahir Xasan Cabdi oo kamid ah Xildhibaanada BF Somalia, ayaa sheegay inay la xisaabtami doonaan Gudoonka Baarlamaanka DF Somalia hadii ay isku taxluujiyaan inay hakiyaan Mooshinada horyaala Baarlamaanka.

Dahir Xasan Cabdi waxa uu sheegay yihiin Xildhibaano farabadan islamarkaana ay Mooshinka lagu ridaayo R/W C/weli Sheekh uu yahay mid sharciga loo maray loona baahan yahay in loo fasaxo Baarlamaanka.

Isaga oo arrintaasi ka hadlaayay ayaa waxa uu yiri “Mooshinkan waa sidii Baarlamaanka loo keenay, gudoomiyaha Baarlamaanka uu u qabtay ayaa loogu soo gudbinayaa Baarlamaanka, jidkii loogu tala galay inuu maro ayuu marayaa, cid hor istaagi kartana ma jirto”

Isaga oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu yiri “Adeer R/W C/Weli waxa uu ka talaabay xadkii loogu tallo galay Xildhibaanaduna waxa ay diyaar u yihiin inay ridaan”

Waxa uu sheegay inay ka go’antahay inay mar kale u fadhiistaan ka doodida Mooshinada, isagoona tilmaamay in Ujeedkoodu yahay in meesha laga saaro Xukuumada R/W C/weli oo uu ku tilmaamay mid aan muteysan inay sii shaqeyso intaa kasii badan.

Dhanka kale, waxa uu tibaaxay inay ku taagan yihiin wadadii saxda aheyd, balse Gudoomiyaha Baarlamaanka looga baahan yahay xalaaleynta Mooshinada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com