Daawo Video: Ethiopia oo la wareegtay ilihii dhaqaale ee SOMALILAND sida…

Hargeysa (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka Somaliland 12-kii bishan kasoo degay Wafdi Wasiiro Itoobiyaan ah oo dhowr Wasaaradood ka socda, kuwaasi oo kormeer ku bixiyay ilaha dhaqaale ee maamulka Somaliland, gaar ahaan garoonka diyaaraddaha Berbera, xarunta haamaha shidaalka iyo weliba dekadda weyn ee Berbera.

Wafdigan ayaa waxaa hoggaaminayay Wasiirka maaliyada iyo horumarinta dhaqaalaha Sufian Ahmed, waxaana ka mid ahaa Wasiirka gadiidka gacsiga, warshadaha, korontada iyo Wasiiru dowlayaal.

Ujeedada socdaalka wafdigan ayaa maamulka Somaliland uu ku sheegay in ay tahay kobcinta xiriirka labada dhinacl iyo sidii loo dhaqan gelin lahaa isticmaalka dekadda Berbera, hirgelinta koronto ka timaada Itoobiya iyo dhismaha mustaqbalka jid ballaaran oo tareenada.

Laakiin warar hoose iyo guux siyaasadeed ayaa socdaalkaan ka dhashay, iyadoo wararku sheegayaan in xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo heshiis kula gashay Itoobiya in lagu wareejiyo maamulka ilaha dhaqaale ee Somaliland sida Garoonka diyaaraddaha Hargeysa, Berbera iyo Dekadda Berbera oo dhowr mashaariic ay ka fulin doonaan.

Shirkadda Ethiopian Airline ayaa noqon doonta midda maamuli doonta gegida diyaaradaha Hargeysa, sida uu heshiiskaani dhigaayo, waxaana booqashadan wafdigan qeyb ka ah fududeynta sida ugu dhaqsaha badan ee loo hirgelin doono heshiisyadan, ka hor inta aysan dhicin doorashada Somaliland.

Muuqaaladan hoose ka daawo soo dhoweyntii wafdiga ee Hargeysa iyo booqasho ay ku tageen ilaha dhaqaale ee Berbera