Daawo XASAN: Marnaba keli-talisnimo kama ogolaanayo dad & gobol gaar ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad uu shacabka u jeediyeysi dadban ugu weeraray ra’iisul wasaare Cabdi Weli Sheekh Axmed.

Madaxweynuhu si toos ah ugama hadlin khilaafka isaga iyo Ra’isul-wasaaraha, laakiinse waxa uu si guud uga hadlay inaysan Somalia marnaba ka socon karin Keli-Talisnimo, isaga oo u muuqday inuu tix-raacayey go’aankii uu ra’iisul wasaaraha isugu shaandheeyey wasiirada, isaga oo aan la tashan.

“Rabitaanka Dadweynaha Somalia marna ma oggolaan doonaan Keli-talisnimo ka hanaqaada Somalia, Marnaba la oggolaan mayo Keli-talisnimo dad gaar, gobal gaar si ay Talada dalka ugu maamulaan” ayuu yiri Madaxweynaha oo sheegay in laga soo gudbay Cahdigii Keli-talisnimadda “dictatorship”.

Waxa kale oo uu sheegay in dadka Soomaaliyeed inaanay niyad jebin hadii ay la kulmaan dhacdooyin mararka qaar dhaca, sida khilaafka iminka ka dhex taagan madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha.

Halkan ka daawo Xasan