XASAN Sheekh oo WARQAD uu beesha caalamka u diray ku codsaday hal arrin

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud, ayaa la sheegayaa in qoraal codsi ah uu u diray Beesha Caalamka, kaasi oo uu uga codsanaayay in waqti loo siiyo xalinta khilaafka, kadib cadaadis cusub.

Cadaadiska ay beesha caalamka saareyso madaxda DF ayaa xoogeystay kadib markii Mareykanka ku hanjabay inuu dhaqaalaha ka jarayo, haddii aan xal deg deg ah la gaarin.

Warqada Xasan Sheekh, ayaa waxaa lagu qoray qoraal ka turjumaaya in Madaxweyne Xasan iyo Jawaari ay si qoto dheer uga arrinsanayaan qaabka ugu sahlan ee lagu xalin lahaa Khilaafka.

Sida ay sheegeen xubno ku sugan Villa Somalia, nuqul kamid ah qoraalka ayaa lagu qoray sidan “DF waxa ay ka arrinsaneysaa sidii lagu xalin lahaa Khilaafka, waa lagama maarmaan in Beesha Caalamku ay madaxda dalka fursad u siiso inay dhexdooda xaliyaan Khilaafka”.

Qoraalka ayaa waxa uu imaanayaa iyadoo Beesha Caalamka ay ku goodisay inay yareyn doonaan Gargaarka iyo xiriirka kala dhexeeya DF Somalia.

Ma Cadda sida ay Xassan, Jawaari iyo R/W C/Weli go’aan uga gaari lahaayen buuqyada ka taagan Xafiisyadooda kaasi oo hakiyay shaqooyinkii ka socday Xafiisyada DF.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com