Maxaad kala socotaa xaalka cakiran ee Xasan, Cabdi Weli, Jawaari iyo Shariif?

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh, Raysul Wasaare Cabdi Weli Sheekh, Gudoomiyaha Baarlamaanka Prof Jawaari iyo Xildhibaan Sharif Xasan ayaa waxaa ka dhextaagan xaalad cakirnaan ah oo ay keentay ujeedooyin kala duwan oo siyaasiyiintaan leeyihiin, waxaan halkaan mid mid ugu soo qaadaneynaa caqabadaha horyaala.

Madaxweyne Xasan Sheekh:-

•Waxaa caqabad ku ah isaga horey uga shaqeeyay riditaankii xukuumadii u dhegaha nugleyd ee RA’IISUL WASAARE hore Dr Saacid, xiligaas oo riditaanka Xukuumadii Saacid uu kayimid Xildhibaanka Saameynta badan Farah Abdulkadir, waxaa mar 2-aad Madaxweynuhu doonayaa inuu rido Xukuumada RA’IISUL WASAARECabdi Weli kadib isku shaandheyn kooban oo RA’IISUL WASAARE Cabdi Weli ku sameeyay golaha wasiiradda oo saameysay Farah Abdulkadir, isku shaandheytaa oo Madaxweynuhu diiday, taasoo madaxweynaha ka dhigtay nin aan ka xanaaqin awoodihiisa oo horey uga boobay RA’IISUL WASAARE Cabdi Weli balse uu Xasan Sheekh noqday shaqsi la maamulo oo ku shaqeeya rabitaanka Farah, arintaana wuxuu kulumiyey kalsoonida shacabka iyo xubno badan oo Baarlamaanka ah.

•Waxaa caqabad ku ah sidii uu taageero uga wda heli lahaa qorshihiisa ridista xukuumada masuuliyiinta kala ah Gudoomiyaha Baarlamaanka Prof Jawaari iyo Xildhibaan Sharif Xasan oo ah masuuliyiin labaduba saameyn leh oo uu u baahan yahay.

•Waxaa culeys uga imaanayaa xafiiska UNSOM ee Nicholas Kay iyo qeybo kamid ah Beesha caalamka oo ku cadaadinaya inaan RA’IISUL WASAARE Cabdi Weli iyo xukuumadiisaba la ridin oo ay wada shaqeeyaan inkastoo kalsooni danbe oo ay ku wada shaqeyn karaan aysan jirin.

• Wuxuu noqday nin caqabad isku ah, go’aan qaadasho xun oo aan kala garan karin qofkuu aaminayo & qofkuusan aamini karin, wuxuu riday RA’IISUL WASAARE Saacid wuxuuna magacaabay RA’IISUL WASAARE Cabdi Weli.

•Waxaa caqabad ku ah mustaqbalkiisa siyasaded barnaamijka awooda DF loogu wareejinayo dawladaha KMG ah oo xubnaha ka noqonaya Federaalka Soomaaliya, dawladaha oo ka tusaala qaadanaya Puntland, xili aan la dhameystirin Dastuurka Federaalka oo kala qeexi lahaa awoodaha DF iyo awoodaha Dawladaha xubnaha ka noqonaya Federaalka Soomaaliya, qorshahaan ayaa DF awoodeeda iyo maamulkeeda kusoo koobaya Muqdisho.

•Wuxuu noqday nin naftiisa, shacabka soomaaliya iyo caalamkaba been u sheega oo isaga hadla barnaamij dhalanteed ah sida Somalia doorasho ayaa ka dhacaysa 2016-ka, madaxweynuhu isaga oo ka shaqeynaya, sharciyeynaya maamulo/dawlado aan shacabku dooran oo awooda DF la wareegaya, dawladahaas oo saameynta DF meesha ka saaraya maadaama aan la dhameystirin Dastuurka, ciidan qaran oo mideysan uusan jirin.

•Wuxuu lumiyey taageerada beesha uu kasoo jeedo ee Hawiye, isaga oo hormood ka noqday in beesha gobolo badan oo ay degenayd in xuquqdoda lagu tunto, awoodii DF kusoo koobo Muqdisho, xuquuqdii dadka Muqdishana uu gacanta usii geliyey Xildhibaano iyo Masuuliyiinta DF Soomaaliya oo inta badan gobolada ay kasoo jeedeen ka madax baneeyay DF Somalia hadii ay tahay maamul dhaqaale, ciidan iyo mid siyaasadeedba.

•Waxaa caqabad ku ah Xildhibaan Shariif Xasan oo ka xanaaqay Madaxweyne Xasan oo Jawaari iyo Cabdi Weli la saxiixay iqoraal shirka lagu hakinayo oo heysta 20 ilaa 30 xildhibaan oo wax ka saxiixay mooshinka kalsoonida lagala noqonayo xukuumada oo qoesheynaya Sabtiga iney Baydhabo aadaan si loo doorto Madaxweynaha Koofur Galbeed oo la filayo Sharif Xasan in loo doorto, Shariif Xasan iyo Xildhibaanada taageersan ayaa go’aansaday in Madaxweyne Xasan dhabar jabiyaan oo aysan taageerin mooshinka xukuumadda lagu ridayo ilaa kooxda Sharif Xasan ka gaareyso hadafkooda ah Madaxweynaha Koofur Galbeed inuu noqdo Xildhibaan Sharif Xasan.

•Waxaa caqabad ku ah Gudoomiyaha Baarlamaanka oo ka doonaya inuu si dhab ah gacan uga geysto joojinta shirka ka socda Baydhabo inta ka horeysa oo Prof Jawaari uusan dooneyn inuu gacan ka geysto in baarlamaanku ka doodo mooshinka uuna cod geliyo.

Raysul Wasaare Cabdi Weli

•Waxaa caqabad ku ah go’aano xun oo uu qaatay, shaqadii Madaxweynaha faraha la galay, isaga oo ka talo qaatay la taliyayaal xun oo marin habaabiyey.

•Wuxuu waqtigiisa ku lumiyey siyaasad uu ku wiiqayo Siyaasiyiinta ku xiran Madaxweynihii isaga magacaabay, wuxuu meesha ka saaray qaabkii wadatashiga ahaa oo uu kula shaqeyn lahaa Madaxweynaha Soomaaliya.

•Wuxuu noqday nin cadaalada ka fog oo lumiyey xuquuqda beelo badan oo soomaaliyeed iyo beesha Sade ee uu kasoo jeedo isaga oo duudsiiyey xuquuqda beeshe Sade iyo beelo kalaba ku lahaayeen Maamulka Juba, Waxaase caqabad ku noqday oo dhabar jabiyey Hogaamiyaha KMG ee Juba Ahmad Madoobe oo uu cadaalad daro ugu hiiliyey balse haatan Xilka RA’IISUL WASAARE Cabdi Weli doonaya in lagu bedelo Hussein Abdi Halane oo ay isku beel yihiin Axmed Madoobe.

•Wuxuu noqday nin tartan kula jira Madaxweynaha oo ku mashquulsan is muujin ah inuu yahay Masuulka ugu sareeya dawladda Somalia.

•Waxaa caqabad ku noqday oo dhabar Jabiyey Xildhibaan sharif Xasan oo heysta xildhibaano iyo wasiiro taageersan oo RA’IISUL WASAARE Cabdi Weli kala shaqeyay sidii Sharif Xasan madax uga noqon lahaa maamulka Koofur galbeed oo markii khilaafku soo baxay kasoo horjeestay oo taageeray mooshinka Madaxweynaha ee lagu ridayo xukuumadda.

•Wuxuu ogolaaday inuu naftiisa, tan shacabka Somalia iyo beesha caalamkaba u sheego been dhalanteed ah, uuna dhaho Soomaaliya doorasho ayaa ka dhacaysa 2016, isaga oo ah RA’IISUL WASAARE xukuumad aan lahayn ciidan qaran oo jooga gobolada soomaaliya, isaga oo ah RA’IISUL WASAARE xukuumad aan laheyn Dastuur Federaal ah oo mideeya dalka soomaaliya.

•Waxaa heysata hubanti la’aan dhinaca gudoomiyaha Baarlamanka Prof Jawaari oo uu ku taageray joojinta shirka Baydhabo kadib markii Sharif Xasan ku biiray kooxda Madaxweynaha oo mooshinka ka wada Xukuumada Cabdi Weli.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Prof Jawaari

•Waxaa mustaqbalkiisa siyaasadeed hareeyay kadib markii ay soo baxday xubnaha xukuumadu u xilsaartay Maamul u sameynta koofur galbeed iyo Guddiga Farsamada dhamaan noqdeen kuwa ku shaqeeya rabitaanka siyaasada Xildhibaan Shariif Xasan.

•Waxaa caqabad ku ah sidii uu u wada qancin lahaa rabitaanka Madaxweyne Xasan iyo RA’IISUL WASAARE Cabdi Weli oo labaduba la saxiixay qoraal lagu hakinayo shirka Baydhabo.

•Waxaa caqabad weyn ka heysataa siyaasada aan fadhin ee Somalia oon ku saleysneyn axsaab siyasadeed iyo mabda’ ee ku dhisan qabiilka, Jawaari oo iska dhigay gudoomiye Baarlamaan dhexdhexaad ah , taasoo u keentay luminta saameynta xubnaha beeshiisa ee Xukuumadda iyo baarlamanka ku jira, taas bedelkeedana uu Xildhibaan Shariif Xasan noqday ninka saameynta ugu badan kuleh xubnaha Baarlamanka iyo golaha wasiirada ee Digil/Mirifle, sidoo kalana Shariif Xasan wuxuu saameyn ku yeeshay xubnaha xukuumada ee beelaha kale, arintaan oo Jawaari ka dhigtay masuul saameyntiisu yar tahay.

•Waxaa caqabad ka heysataa shirka Koofur galbeed oo Xukuumada RA’IISUL WASAARE Cabdi Weli hore u hakisay, Prof Jawaari oo ah kusimaha Madaxweynaha amray in la joojiyo, ugu danbeyntiina Madaxweynaha, Raysul wasaaraha iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka wada saxiixeen in la hakiyo oo kooxda Shariif Xasan diideen hakinta shirka iyaga oo maalmaha soo socdana dooran doona sida ay sheegayaan Madaxweyne. AMISOM iyo Ciidamada Dawladda oo ka gaabsaday inay fuliyaan amarka madaxda sare ee Dawladda Federalka Soomaliya.

•Waxaa caqabad ku ah Xildhiban Shariif Xasan oo hadii uu noqdo Madaxweynaha Koofur Galbeed uu Prof Jawaari saameyntiisu ka baxayso siyaasada Soomaaliya 2016-da kadib iyo ka horba, waxaana suuragal noqoneysa in xilka gudoomiyanimada Baarlamaanka laga qaado Jawaari.

•Waxaa caqabad ka heysataa isaga oo taageeray qorshaha UNSOM iyo beesha caalamka ee ah in Madexweynaha iyo Raysul wasaaraha khilaafkooda heshiis lagu dhameeyo oo uu waqti geliyey sidii uu heshiis uga dhex sameyn lahaa Madaxweynaha iyo Raysul wasaaraha, taas bedelkeeda uusan ka helin UNSOM, beesha caalamka iyo AMISOM inay ku dhawaaqaan taageerada hakinta shirka Baydhabo.

•Waxaa caqabad ka heysataa Xildhibaan Sharif Xasan oo ka dhaqaalo badan, kana gacan furan, ugana galaalngal badan siyaasada qasan ee Somalia oo heysta taageerada inta badan Xildhibaanada Digil iyo Mirifle iyo xafiiska UNSOM oo ka taageera dhinaca safarada, siyaasadda iyo waxyaabaha kale ee shirka lagu socodsiinayo.

Xildhibaan Shariif Xasan

•Waxaa caqabad ku ah hamigiisa ah inuu noqdo Madaxweynaha Koofur Galbeed oo awood qeybsiga DF xubinta ugu sareysa Digil/Mirifle uu yahay Gudoomiyaha Baarlamaanka Prof Jawaari oo kasoo horjeedo Hamiga Sharif Xasan.

•Waxaa caqabad ku ah Prof Jawaari oo ku guuleystay sharciyan in madaxda Dawladda Federaalka Soomaaliya wada saxiixaan in shirka maamul u sameynta Koofur Galbeed la hakiyo wadatashina loo yimaado Muqdisho arintaas oo dhabar jab ku ah xildhibaan Shariif Xasan.
•Waxaa caqabad ka heysataa siduu madaxweynaha ugu qancin lahaa in xildhibaano ka tirsan baarlamaanka iyo isagaba u safraan Baydhabo xili baarlamaanka loo gudbiyey mooshin xukuumada ka dhan ah .

•Waxaa caqabad ka heysataa shirka dawladu hakisay oo taageerayashisu diideen in la hakiyo hadii loogu doorto madaxweyne sidii uu aqoonsi ku heli lahaa, hadii Shariifka iyo taageerayashisu u hogaansamaan joojinta shirkana uusan hubin sixitaanka shirka oo madaxda Dawlada Federaalku saxiixeen waxa kasoo bixi doona inay isaga siyaasiyan faaiido ugu jireyso.

•Waxaa caqabad ka heysataa oo mugdi uga jiraa sidii uu u heli lahaa taageero lamid ah shirkii Jubaland ee Ahmad Madoobe lagu doortay xili DF Somalia diidaneyd uu shirkaan Koofur Galbeed oo Sharif Xasan doonayo in lagu doorto uu ula mid noqon lahaa shirkii Jubaland ee Dawladda Federaalka gadaal ka aqoonsatay kadib markii Ahmed Madoobe heshiis kula saxiixatay magaalada Addisabba ee dalka Itoobiya.

•Waxaa caqabad uga furan tahay hadii qorshaha Gudoomiyaha Baarlamaanka Jawaari guuleysto oo awooda Maamulka shirka Koofur Galbeed gacantiisa laga bixiyo halkaasna uu kasoo baxo Madaxweyne aan aheyn Shariif Xasan, sidoo kalana magacaabida xubnaha Digil iyo Mirifle ee DF lagala tashado Jawaari waxaa halkaa ka baxaysa saameynta Xildhibaan Shariif Xasan ku leeyahay siyaasadda Somalia iyo beesha Digil iyo Mirifle-ba