Xarunta baarlamanka Somaliland oo ay xoog ku qabsadeen ciidamo hubeysan

Muqdisho (Caasimada Online) – War goor dhow naga soo gaaray Magaalada Hargeysa ee Xarunta Maamulka Somaliland, ayaa sheegaya in goor dhow ciidamo aad u hubeysnaa ay la wareegeen xarunta Baarlamaanka maamulka Somaliland.

Wararku waxa ay sheegayaan in maanta qorshuhu ahaa in xarunta lagu qabto Kulamo Xasaasi ah, kaasi oo mooshin looga keenay gudoomiyaha Baarlamaankaasi, waxaana iminka halkaasi la dhoobay Ciidamo wata gaadiidka dagaalka.

Mid kamid ah Weriyayaasha madaxabanaan ayaa xaqiijiyay in Ciidamada la wareegay Xarunta ay  tiro ahaan kor u dhaafayaan ilaa 450, waxaana goobtaasi la geeyay Saqdii dhexe ee Xalay, iyadoona ay sidoo kale isku gadaameen dhamaan wadooyinka xaruntaasi ku dhaw.

Gudoomiyaha baarlamaanka Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Daahir Cirro oo saxaafadda la hadlay waxa uu sheegay in halkaasi lagu qabsaday inqilaab, ayna qabsadeen sida uu tilmaamay xisbiga talada haya ee Kulmiye.

Guddoomiye Cirro ayaa waxa uu sidoo kale Saxaafada u xaqiijiyay in ciidamada ay xabsiga dhigeen xoghayihii golaha wakiilada Somaliland, Cabdirisaaq Saciid Ayaanle, isaga oo taasi digniin ka bixiyay.

Xildhibaanada maamulka Somaliland qaarkood ayaa keenay mooshin ka dhan ah gudoomiye Cirro oo dhanka kale ah gudoomiyaha xisbiga Mucaaradka ah ee Wadani.

Xaalada ayaa iminka ah mid kacsan waxaana laga Cabsi qabaa in Magaalada Hargeys ay goor dhow ay ku banaanbaxaan dadka taagersan Xisbiyada Mucaaradka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com