Sawirro: Xasan oo warqadaha aqoonsi ka gudoomay safiirka cusub ee Masar

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta warqadaha aqoonsiga Danjiremo ka guddoomay Safiirka cusub ee dowladda Masar u soo magacowday Soomaaliya, kaasi oo uu hogaaminayay wafdi ka socda Masar.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo xafiiskiisa ku qaabilay wafdiga ka socda dowladda Masar ayaa kulan gaar ah la qaatay Danjire Mowliid Ismaaciil  safiirka cusub ee ay dowladda Masar u soo magacawday Soomaaliya, kaasi oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Masar.

Wasiirka Arrimaha dibadda ee Soomaaliya mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo kulanka kaddib la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Madaxweynaha iyo safiirka dowladda Masar ee Soomaaliya ay ka wada hadleen arrimo ay ka mid ahaayeen sidii ay Masar u xoojin lahayd taageerada ay siineyso Soomaaliya, waxaana uu intaa ku daray in safiirku uu balan qaaday in ay kordhinayaan deeqaha waxbarasho oo ay siinayaan ardayda Soomaaliyeed.

Danjire Mowliid Ismaaciil  oo isna la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay inay sharaf weyn u tahay in Madaxweynaha Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud uu ka guddoomo warqadihii aqoonsiga safiirnimo, isagoo balan qaaday in uu xoojin doono cilaaqaadka labada dowladood.

1 2 3 4 5 6 7 8 9