4 xildhibaan iyo weriye xabsi la dhigay

Hargeysa(Caasimada Online) – Ciidamada maamulka Somaliland ayaa xabsiga dhigay xildhibaano ka tirsan golaha wakiilada maamulka Somaliland iyo wariye ka shaqeynayay magaalada Hargeysa ee maamulka Somaliland.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada maamulkaasi ay xabsiga dhigeen afar xildhibaan oo ka tirsan golaha wakiilada maamulkaasi, waxaana la sheegayaa in dhamaantood ay ka tirsanaayeen xildhibaanada mucaaradka ee maamulkaasi.

Magacyada xildhibaanada la xiray ayaa  lagu sheegay Xildhibaan Ibraahim Mahdi (Buubaa) , Xildhibaan Bashiir Tukaale , Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble iyo xildhibaan  Maxamed Saalax, kuwaasi oo la dhigay xarunta CID-da ee magaalada Hargeysa.

Wariyaha la xiray oo lagu magacaabo C/raxiin Mowliid Cismaan ayaa la shaqeynayay website-ta Hadhawanaag xaruntiisa magaalada Hargeysa ee maamulka Somaliland.

Saaka ayaa golaha wakiilada maamulka Somaliland waxaa loo gudbiyay mooshin looga soo horjeedo gudoomiyaha golaha wakiilada, waxaana xildhibaanadaan la sheegay inay kasoo horjeedeen mooshinkaasi.

La soco waxii kusoo kordhaa Insha Allah.

Caasimada Online
Xafiiska Wararka Muqdisho
Caasimada@live.com