Xaaladda xarunta BF Soomaaliya aad u kacsan iyo Jawaari oo ku hanjabay…

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararkii ugu danbeeyay ee naga soo gaaray Xarunta Golaha shacabka ayaa sheegaya in xaalada Xarunta ay tahay mid kacsan islamarkaana ay ishu qabaneyso Xildhibaano isku hanjabaayo.

Wararku waxa ay intaa kusii darayaan in Xildhibaanada qaar ay isaga baxeen Xarunta kadib markii uu shirka ka carooday Gudoomiyaha Baarlamaanka oo dib ugu laabtay Xafiiskiisa.

Sidoo kale, waxaa la soo warinayaa in Ciidamada Booliska ee ku sugan Hoolka uu kulanka ka socdo ay shirka ka saareen dhowr Xildhibaano oo la sheegay inay hormuud u ahaayeen Istaajinta Mooshinada laga gudbinaayo R/W C/weli, iyadoona Saraakiisha Ciidamadaasi ay diideen in dib Hoolka loogu celsho Xildhibaanadaasi.

Arrintaani ayaa sabab u noqotay in gudoomiye Jawaari uu dib ugu laabto xafiiskiisa, waxaana sidoo kale gudoomiyaha laga yaabaa in mar kale uu hadana Howlka soo galo.

Xildhibaanada Baarlamaanka waxay u kala safteen Laba, kuwaa oo kala ah kuwo taageersan Mooshinka Ra’iisul wasaaraha laga keenay iyo kuwo kasoo horjeeda, waxaana hadda arinta laga yaabo in ay dhacdo tahay kulanka oo maalintii Labaad baaqda.

Dhanka kale, Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa Xildhibaanada kasoo horjeeda Mooshinka ugu hanjabay inay Ehel u noqon doonaan Xabsi, kadib markii uu ku eedeeyay inay dib u dhac ku sameynayaan Howlaha Baarlamaanka

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com