Mooshin cusub oo la qorsheynayo iyo JAWAARI oo ay xaaladda ku xun tahay

Muqdisho(Caasimada Online) – Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa si weyn u dhaliilsan hab dhaqanka gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya iyo ku xigeenadiisa.

Xogta ay helayso Caasimada Online ayaa sheegaysa  in xildhibaanada baarlamaanka ku goodiyeen inay mooshin ka gudbiyaan gudoomiyaha baarlamaanka Mr Jawaari.

Waxay xildhibaanada sheegeen in gudoomiyaha baarlamaanka looga baahan yahay inuu awood u adeegsado xildhibaanada mooshinka kasoo horjeeda haddii aysan warkiisa maqlin.

Xildhibaanada taageersan madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxay aadkaga soo horjeedaan baaqashada iyo in buuq uu ku dhamaado mooshinka laga gudbiyay ra’iisul wasaaraha dalka.

Maxaa maanta ka dhacay golaha Shacabka.

Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ee taageersan ra’iisul wasaaraha dalka ayaa waxay maanta halis ku galeen inay isku gacan qaadaan xildhibaanada kale ee taageersan madaxweynaha.

Arintaasi ayaa ka dambeysay kadib markii xildhibaanada taageersan madaxweynaha ay isku dayeen inay shir gaar ah xarunta dhexdeeda ku yeeshaan, laakiin waxaa fowdo ka dhex abuuray xildhibaanada taageersan ra’iisul wasaaraha.

Waxaa la arkayay wasiirka haweenka oo xildhibaan oo ku qeylinaysa “Hadii wasiir uu ridayo xukuumadiisa ma aqaan ujeedada uu ka leeyahay, waana arki doonaa haddii wax laguu balan qaaday” iyo erayo kale.

Xildhibaanada taageersan madaxweynaha ayaad moodaa inay ka farsamo badan yihiin xildhibaanada kale, waxaana ra’iisul wasaaraha taageersan dad muddo kusoo dhex jiray baarlamaanka oo yaqaana siyaasadaha mooshinada.

Waxaa hadda soo baxaya in xildhibaanada qaar ay kulamo gaar gaar ah la leeyihiin gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Jawaari oo gabi ahaanba xarunta golaha shacabka isaga baxay markuu buuqa xakameyn waayay.

Caasimada Online
Xafiiska Wararka Muqdisho
Caasimada@live.com