Guddoomiye Jawaari oo looga yeeray xarunta madaxtooyada Villa SOMALIA

Muqdisho (Caasimada Online)-War goor dhow naga soo gaaray Xarunta Golaha baarlamaanka, ayaa sheegaya in gudoomiyaha baarlamaanka Prof. Maxamed Cusmaan Jawaari looga yeeray Xarunta Madaxtooyada kadib markii ay u suuro gali weysey in uu furo baarlamaanka buuq dartiis.

Jawaari ayaa la Tilmaamayaa inuu wadatashi la soo sameyn doono Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Somalia iyo Xubno la sheegay inay ka socdaan Beesha Caalamka oo goor dhow iyaguna gaaray Villa Somalia.

Xassan Sheekh iyo Xubnahaasi ayaa waxa ay kullan Deg deg ah uu xiligaani uga socdaa Madaxtooyada, iyadoo aan la Ogeyn Ujeedka kulanka iyo wixii ka soo bixi doono, maadaama markii labaad uu Fashil kusoo idlaaday Kulanka Baarlamaanka ee Mooshinka lagu gudbinaayay.

Sidoo kale xubnanaha baarlamaanka ayaa iyagu qado ku dhex dalbaday Xarunta Baarlamaanka kadib markii la gaaray xiligii qadada loo bixi lahaa, balse iyagu goostey in ay baarlamaanka ku dhex qadeeyaan.

Lama Oga sida uu xaalku noqon doono waxaana la filayaa in Saacadaha soo socda go’aan degdeg ah usoo wada saari doonaan Xassan Sheekh, Jawaari iyo Xubnaha Beesha Caalamka ka socda ee xiligaani ku sugan Villa Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com