Xog: Prof. Jawaari iyo ku-xigeenadiisa oo albaabka ka xirtay xubnaha kale…

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Villa Somalia, ayaa sheegaya in Gudoomiyaha Baarlamaanka Somalia iyo ku-xigeenadiisa ay ka baxeen Xarunta Madaxtooyada Somalia kadib markii ay halkaasi kulan qado ah kula qaaten Madaxweyne Xassan iyo Xubno ka tirsan Beesha Caalamka.

Wararku waxa ay intaasi ku darayaan in Jawaari iyo Ku-xigeenadiisa ay dib ugu laabteen Aqalada ay ka degan yihiin Magaalada Muqdisho, waxaana la tilmaamayaa in Istaafkooda ay ku wargaliyeen inaan loo soo deyn karin Mas’uuliyiin ka tirsan Labada Gole ee DF.

Sidoo kale, Gudoomiyaha iyo ku-xigeenadiisa ayaa la sheegayaa in Saraakiisha hormuudka u ah Ilaaladooda ay si cad ugu sheegen in 48 saacadood aysan qaabili dooni Xubin ka tirsan Labada Gole ee DFS.

Gudoomiyaha iyo ku-xigeenadiisa ayaa ku gacanseeray inay xal ka gaaran Hirgalinta Mooshinada looga soo horjeedo R/W C/weli Sheekh Axmed, waxa uuna kulanka maanta noqonayaa kii labaad oo fashil kusoo idlaada tan iyo markii uu Khilaaf ka dhex curtay Labada Mas’uul ee ugu sareysa DF Somalia.

Lama Oga go’aanka labaad ee xigi doona Fashilka Mooshinka, inkastoo Arrintaani laga soo saari doono go’aan adag.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com