Aqriso: Caasimada Online oo heshay warqadda mooshinka XASAN SHEEKH ee loo gudbiyey BF

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar goordhaw naga soo gaaray xarunta baarlamanka Soomaaliya ayaa xaqiijiyay in mooshinkii Madaxweyne Xasan Sheekh loogu qaadi lahaa codka kalsoonida ah ay aqabaleen guddoonka baarlamanka.

Tirada xildhibaanada mooshinkan saxiixay ayaa ah 132 xildhibaan, sida xubno ka tirsan ay u xaqiijiyeen Caasimada Online.

Mooshinkaani ayaa waxa ay Xildhibaanada ula gol-leeyihiin inay kursiga kaga tuuraan Madaxweyne Xassan Sheekh oo isagu iminka isku darsaday waxqabad la’aan iyo hami wakhti kororsi ah, sida ay ku andacoonayaan Xildhibaanada

Xildhibaanada ayaa mudooyinkaani isku uruursanaayay Hoteelada Magaalada Muqdisho waxa uuna ugu danbeyntii Mooshinka noqday mid galay gacanta Gudoonka sare Baarlamaanka Somalia.

Mudane ka tirsan BF ayaa xaqiijiyay in Mooshinkaasi uu galay gacanta Gudoonka waxa uuna cadeeyay in mirro dhalkiisa uu noqon doono kalsooni kala laabashada Madaxweyne Xassan.

Caasimada Online ayaa si gaar ah u heshay warqaddii mooshinka ee xildhibaanada ay u gudbiyeen guddoonka baarlamanka, hoos ka eeg. Waa sagaal bog, dhammaadka warqadda dul saarka kaarsarka muuska, si aad u aragno NEXT

[pdf-embedder url=”http://caasimadda.net/wp-content/uploads/2015/08/LEGAL-REASONING-FOR-THE-MOTION2.pdf”]

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com